BALIGUBADLE MEDIA
Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar oo Kamida Masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE oo Muqdisho Kula Kulmay Raysal Wasaare Ku-xigeenka Somalia
February 19, 2018 - Written by admin

Inkastoo Labada Masuulba Reer Somaliland Yihiin, Xamarna Ay Ku Wada Sugan Yihiin Hadana Midna Hargeysa Ayuu Ka Laba Noqdaa Midna Dambiile Ayuu Ka Qoran Yahay!

omar-iyo-guuled-696x463

Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar, wasiirkii hore ee arrimadda Somaliland ayaa kulan la qaatay raysal wasaare ku xigeenka dalka Somalia Khadar Mahdi oo isna ka soo jeeda Somaliland.

Maxamed Cabdillaahi waxa uu sidoo kale noqday, wasiirka ganacsiga Somaliland wakhtigan la joogana waa xubin sare oo ka tirsan xisbiga KULMIYE, gaar ahaan guddiga fulinta sidoo kalena waa saaxiib dhaw oo uu leeyahay madaxwayne Muuse Biixi Cabdi.

Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa hadda ka shaqeeya hay’ad dhawaan fududaysay wada hadal telefoonka ku dhexmaray Maxamed Cabdillaahi Farmaajo madaxweynaha Soomaaliya iyo Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland. Kulankaas khadka telefoonka ah ayay hay’addaasi iskaga dab qaaday labada hoggaamiye.
Hase ahaatee socdaalka Muqdisho ee Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ah sarkaal Kulmiye ah oo ay si weyn isugu dhaw yihiin Madaxweyne Muuse ku joogo Muqdisho ayaa imanaya xilli dhalinyaro reer Somaliland ah oo ka soo noqotay Muqdisho xabsiga ku jiraan kuwaas oo ay ka mid tahay inanta Naciima Abwaan Qorane.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in Raysal Wasaare kuxigeenka oo reer Somaliland ahi aanu Hargeysa iman Karin, halka Maxamed Cabdillaahi Cumar si weyn loo soo dhaweeyo marka uu soo wajahan yahay.

Ugu dambayn sawirkan oo lagu faafiyey baraha bulshada gaar ahaan xafiiska raysal wasaare kuxigeenka ayaa muujinaya sida uu Maxamed Cabdillahi Cumar ugu kalsoon yahay inaanu sawirkani wax saamayn ah ku yeelanayn imaatinkiisa Hargeysa maadaama uu madaxwaynuhuba la ogol yahay!.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS