BALIGUBADLE MEDIA
Dhamaal Hambalyo ah oo Ku socota Ururka Damal Bari
February 21, 2018 - Written by admin

Dhambaal hambalyo oo ku socda Ururka Dhalinyarada Gobolada Bariga ee Damal bari

Waxaan halkan Wambalyo uga Dirayaa Ururka Damal Bari ee ay ku midoobeen Dhalinyarada Gobolada Bariga ee Somaliland . oo markii ugu horaysay ku midoobay Ururka damal bari.

waxaan Hambalyo u Dirayaa As-Aasaha Ururka Damal Bari  Aqoonyahan:-Aadan Cali Bile oo curiyay Fikrada lagu midaynaayo Gobolada .isla markaana wakhti galiyay sidii loo Hirgalin lahaa Ururkan.

Waxaan Qabaa in si wayn loogu Baahanyahay Urur mideeya dadka iyo Degaaanka iyo guud ahaan Gobolada Bari ee Somaliland si cududooda iyo caqligood-ba loo midayn lahaa.

Ururkan oo ah mid ka turjumaya waaqiciga dhabta ah ee ka jira Gobolada Bariga Somaliland isla markaana ka Shaqayn doona danaha dadka iyo degaanadaas.

waxaan markale hambalyaynayaa ururka Dama Bari waxaan u rajaynayaa inuu noqdo Urur guulaysta oo la mahadiyo

guul Damal Bari

W/Q. Ugaas Cumar Jaamac Iidle

COMMENTS