BALIGUBADLE MEDIA
Dawladda Hoose ee Hargeysa oo Noqotay Goob Ganacsiyeed uu Iska Yeeshay Maayar Soltelko
February 2, 2018 - Written by admin

Tan iyo intii Maayar Cabdiraxmaan Maxamed Caydiid Solteco loo doortay Maayarka Magaalada Hargeysa, waxa jiray khilaafyo kala duwan uu dhaxeeyey Maayarka iyo xoghayaashii kala duwana ee soo maray dowlad hoose, kuwaas oo uu galaaftey xilkoodii.

soltelko ayaydhalay

Khilaafyadan kala duwan ee u dhaxeeyey Maayarka iyo xoghaye kasta oo Dowlada Hoose loo Magacaabo, ayaa noqday kuwo soo noq-noqday , isla markaana ragaadiyey shaqooyinkii Dowlada Hoose ee Hargeysa, balse xukuumaddii siilaanyo iyo tan Muuse Biixi ayaa labadooduba la saftay dhinaca Maayarka waxaanay xilka ka qadaan Xoghayaha.

Maayarka Hargeysa ayaa markasta oo uu khilaaf ka dhex-qarxo isaga iyo Xoghayaha Dowlada Hoose , ayaa wuxuu garab ka helaa Xukuumadda iyadoo ugu hiilisa , isla markaana xilka ka qaada xoghayaha ay is haystaa Maayarka , iyadoo magacowdana xoghaye kale oo cusub.

Dhanka kalena Xoghayayaashii kala duwanaa ee soo qabtay xila xoghayenimo ee dowlada Hoose ee Hargeysa intii uu Maayar Sotlteco xilka hayey, ayaa waxay si kala duwan ugu eedeeyeen Musuq-maasuq , balse xukuumadda hadda iyo tii hore ee siilaanyo dheg-jalaq umaysiin, waxay markiiba xilka ka qaadaan xoghayaha ay afkiisa kasoo yeedhay Maayarka ayaa ku kacay musuq-maasuq.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS