BALIGUBADLE MEDIA
Dawlada ShShiinaha oo Mareykanka Ugu Baaqay Inuu Joojiyo dhaqanka dagaalka Qabow ee uu Wadoiinaha Oo Ugu Baaqday Maraykanka Inuu Joojiyo Wax Ay Ugu Yeedhay Dagaalka Qabow
February 4, 2018 - Written by admin

Shiinaha ayaa ugu baaqay Mareykanka inuu iskaga hadho waxa uu ku tilmaamay hab dhaqanka ku salaysan dagaalka qabow, waana inuu dhinaciisa ka adkeeyaa mas’uuliyadda joojinta isku hubeynta nukliyeerka.

xayaata deseter

Bayaanka ayaa waxa uu imanayaa kaddib markii Washington ay Jimcihii shaaca ka qaadday siyaasaddeeda cusub ee nukliyeerka, taas oo ay ka mid tahay in la ballaadhiyo oo la casriyeeyo hubkeeda.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Shiinaha ayaa sheegtay in Mareykanku uu ka badbadiyay khatarta nukliyeerka Shiinaha, iyadoo wasaaraddu ay intaas ku dartay in siyaasaddeeda ay tahay mid difaac oo kaliya.

Sabtidii xukuumadda Moscow ayaa gaashaanka u daruurtay siyaasadda nukliyeerka ee ugu dambaysay ee Mareykanka uu ku dhawaaqay taas oo ay ku tilmaantay inay tahay mid ka dhan ah Ruushka isku dhacna keeni karta.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa sheegtay in Mareykanka uu isku dayayo inuu Ruushka ku eedeeyo xiisadahan sii kordhaya, halka Moscow-se ay qaadi doonto tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u xaqiijiso ammaankeeda.

Hasayeeshee waxa ay wasaaraddu intaa ku dartay inay sii wadi doonto in xal wadaag ah loo helo sii joogtaynta deganaanshaha xaaladda nukiliyeerka dunida.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa Jimcihii sheegtay inay doonayso inay casriyeyso hubkeeda nukliyeerka hub kale oo cusubna ay sameyso taas oo ay uga jawaabayso qaabka uu Ruushka ku ballaarinayo awooddiisa milateri, iyo weliba cabsida sii kordheysa ee nukliyeerka ee uu waddankaasi ku hayo wadammada ay Mareykanku xulafada yihiin.

Source:-BBCsomali

COMMENTS