BALIGUBADLE MEDIA
Dawlada Itoobiya Oo Sii Daysay Hogaamiye Sare Oo Mucaarid Ah Iyo Maraykanka Oo Walaac Ka Qaba Mudaharaadada Socda
February 14, 2018 - Written by admin

Dawladda Ethiopia ayaa shalay xabsiga ka sii deysay Bekele Gebre oo ah hoggaamiye sare oo mucaarad ah, sidoo kalena laashay dhammaan eedihii loo haystay.

oromioya

Bekele Gebra oo ah xoghayaha guud ee ururka Oromoda OFC, ayaa dawladdu ay xabsiga dhigtay bishii Dec 2015-kii, kadib markii ay qarxeen dibadbaxyo ka dhacay gobolka Oromada.

Warbaahinta dawladda ayaa xaqiijiyay in Bekele iyo 7 kale oo mucaarad ah la sii daayay.

Bekele ayaa xalay warbaahinta kula hadlay magaalada Addis Ababa.

Wuxuu yidhi “Waxaa naloo soo daayay sababo ay ugu wacan tahay cadaadiska dadka ka imanaya oo sii kordhaya, Taasi ayaana ugu weyn in nala soo daayo.

Dawladdu ma doonayso inay na dhageysato oo badanaa ma rumaysna halganka nabadda ah, waayo iyadu waxay xukunka ku timid halgan hubeysan kaas oo kaliya ayayna taqaanaa. Waligeed ma aqbalin halgan nabadgelyo ah”

Siideynta Bekele ayaa timid iyadoo maalintii saddexaad ay socdaan dibadbaxyo ka dhacaya gobolka Oromada.

Dhinaca kale, waxaa socda cafis guud oo dawladdu ay u fidisay dadka ka soo horjeeda, iyadoo talaabadaasina uga gol leh inay ku yareyso xiisadda dalkaasi ka jirtay tan iyo 2015-kii

Salaasadii  dad fara badan ayaa isugu soo baxay magaalooyinka Oromada, kuwasoo wadooyinka ku xidhay dhagaxaan. Suuqyada, schoollada iyo bangiyada ayaa xidhnaa magaaalooyinka Jimma, Woliso and Legetafo.

Ciidamad aminiga ayaa Isniintii lagu eedeeyay inay toogasho ku dileen laba dumar ah iyo nin dhalinyaro ah, magaalada Mada Walabu ee gobolka Oromada.

Dawladda Maraykanka, gaar ahaan safiirkooda Ethiopia Micheal Raynor ayaa walaac ka muujiyay dadka ku dhintay qalalaasaha, wuxuuna sheegay in baahida loo qabo in dadku ay si xor ah oo nabadgelyo ah aragtidooda ku cabiraan.

Hay’addaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegaya in boqolaal qof ay ku dhinteen rabshadaha iyo qulqulatooyinka ka dhacaya dalka Ethiopia.

Dhinaca kale Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay wararka sheegaya in dad ay ku dhinteen mudaaharaado rabshada wato oo ay wadaan dad ka soo horjeedo dawladda Itoobiya.

Waxay dalbanayaan in la sii daayo dhammaan siyaasiyiinta iyo warfidiyeenkii la xidhay intii ay socdeen rabshado dalkaa ka dhacay laba sano ka hor.

Muddaaharaadada ayaa ka socda laba gobol, waxaana la xidhay waddooyin badan, meheradaha ganacsiguna waa la xayiray markii shalay Isniintii uu bilaabmay mudaharaadku.

Xeer ilaaliyaha guud ee Ethiopia ayaa sheegay in dhamaan eedaymihii lagu soo oogay siyaasi mucaarad ah oo aad loo yaqaan oo la yidhaa Bekele Gerba la yidhaa la laalay kuwaas oo ahaa kicin dadweyne iyo horseed qalalaase.

Sannadkii 2016-kii ayaa xaalad degdeg ah lagu soo rogay dalka waxaana la xidhay tobanaan kun oo dad bannaan baxayey ah.

Source:-BBCsomali

COMMENTS