Dawlada (Ethiopia) Waxa U Yaala (Green Plane And Isolated Democratic Policy), Markaa Cidii Ku Shaqayn Kari Weydaa Wey Is-casilaysaa. Qalinka: C.S.F(Jeesto).
February 19, 2018 - Written by admin
Dawlada (Ethoipia) Waa dawlad qadiimiya oo la leh xuduudo ama soohdimo wadamada ugu badan Geeska-afrika Sida (Sudan, Erateria, Kenya, Somalia, Djabouti, Iyo South Sudan), Waana ka ugu balaadhan isla geeska-afrika dhexdiisana waxa ku Qoomiyado kala duwan kuwaasoo leh afef iyo dhaqamo kala gadisan, Cabirkoodii ugu danbeeyey ee caalamiga ahaa waa (96million) oo dad ah, Sidoo kale waxa ka jirra todoba is-maamul dawladeed oo kala ah ( Soomaalida, Tigreyga, Canfarta, Oromada, Shucuubta Koonfurta, Amxaarada, Iyo Herarida),Iyo waliba ( 36 Qoomiyadood) hada ma,ha qabaa,il ee laantii ka sareysay qabaa,ilka, Waxan casbi galiyey umadaha jaarku waa quwada wadankani balse waa in xisaabta lagu darsadaa iney Ethoipia leedahay qorsheyaal aaney abidkeed ku fashilmeyn xaga dawladnimada.
Hadaba intaanen galin faalada kale ee ku aadan sawirka naxdinta iyo muuqa xun ee ay wadamada Geesku ka qaateen arinkani waxaan yara iftiimin sababta Raysal-wasaaruhu isu casiley ama ugu fashilmey hogaaminta dalka jamhuuriyada dimuqraadiga ee itoobiya, Raysal-wasaaraha waxa ku adkaatey inuu dalka ku sii hayo dhabadii caadiga aheyd ee uu wadankani ku soo caano-maali jirey taasi oo hore khabiiro iyo indheer-garad hore oo itoobiyaan ahi ay dajiyeen, Kaasi oo ahaa (Green Plane And Isolated Democratic Policy), Oo ah siyaasada aan fur-furnayn ee wadanka dhexdiisa taasi oo inuu qabsadey Raysal-wasaarahani fur-furan tay taasina waxay keenaysaa in wadanku fashilo, Hadaba isku dayo badan oo xukuumadiisu kaga hawl-gashey xalinta dhibaatadani, Nasiib-xumo wey ku guul-dareysteen waana tan keentay is-casilaadiisa si wadanku u helo hogaamiye halkiisii ku soo celiya dhabadiina aan ka kaxeyn.
Ka dib Is-casilaadii Raysal-wasaaraha Ethiopai Mr.Hailemariam Desalenge ayaa waxa soo if-baxaya inay ka war-waraan wadamada Geeska-afrika ku yaalaa waxyeelo la xidhiidha haday bur-burto, Balse waxa xusid mudan iney dawladani guunka ahi tahay mid ku dhisan mabaa,dii qadiimiya oo soo jireen ah Ilaa Dhawriyo toban qarni, Qarankan itoobiya waxa uu qorshe lagu magacaabo (Green Plane And Isolated Decomratic Policy) Oo macnihiisu yahay siyaasada dimuqraadiyada aan fur-furnayn dhexdeeda iyo qorshaha cagaaran, halkaasina waxa ka muuqata iney dawladani leedahay mustaqbal iyo agarti fog oo ay khubaradoodii hore u dhigeen isla markaana lagu shaqeeyo hawl-dawladeedkeedana loo maro, Ma,aha qaran si dhayal ah wax ku noqonaya ama aayer bur-buri kara waayo waxa galey tabac khubaro hore u dhigeen, Dunida dhamaanteed wadamada taariikhiga ah dhinaca dawladnimadu waxay leeyihiin nidaam ay dhamaantood raacaan oo hortood la dajiyey masuul kastaana uu dariiqeeda raaco.
Hadaba qaramada faca-weyn ee caalamka guudkiisa ka jira hadii masuulka hogaanka u hayaa uu ku fashilmo dariiqii saxda ahaa ee loo jeexay waxa ku waajib ah inuu iska Casilo Xilka uu u hayo waa hadii uu waayo xal ama maareyn dhibaatada la soo darista ee ka leexinaysa Qorshihii qaranka loogu tala-galey. Arintani waa mid caalamiya imikana Raysal-wasaarihii itoobiya waxa uu ku guul-dareystay nidaamkii dalkani lahaa inuu wax ku xaliyo sidaa darteed waxa lagama maarmaan ah inuu kursiga baneeyo si loo soo xulo masuul ku guta waajibka hogaaminta sidii loogu tala-galey, Inkastooy bulshooyinka wadamada jaarka itoobiya ay wadnaha farta ku hayaan hadana waxa yadna meesha taala iney itoobiya ka bad-baadeyso caqabad kasta oo la soo darista, Laakiin lama dafirayo xiliga adeg ee ay dawladu gashey balse ma,aha mid ay ku sii jireyso dawladani qadiimiga ahi iney halkaa ku fashilanto.
Qarankan awoodaha faraha-badan isu-darsadey haday tahay Dhaqaale, Wax soo saar, Amni-sugan iyo hilaadinta mustaqbal ee fogi waa mid kolay ku waari doona hanaankiisii caadiga ahaa, Waxa hada ka dhaceyna ma,aha wax inagu cusub ee dunida waligeedba wey ka dhacaysey balse xal danbe iyo isu-tanaasul wey soo noqotaa haybadii dawladnimo iyo tii ay hore u lahaydba. Xaqiiqatana ma filayo iney dawlada itoobiya carqaladaasi ku sii socoto wadamada Geeska-afrika iyo dadka ku dawakhay iney itoobiya u dhamaatey waxaan leeyahay , Walaalayaal wadankani waa mid qadiimiya uguna weyn qaarada afrika dhinaca da,ada sidaa darteed dhicimeyso waxaad ka war-wareysaan ee ku aadan bur-burka qaranimo ee itoobiya isla markaana Geeska aafeeya, Waase arin qorsheheedu afrika ka da,a weyn yahay sidaa awgeed looma baqayo wadanka itoobiya waanen u ducaynanaa.
Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax(Jeesto)
Diplomatic Annalism.
Gabiley/Somaliland.
Like this:
Like Loading...
COMMENTS