BALIGUBADLE MEDIA
“Dadka Reer Jabuuti Waxaanu Ka Dhignay “Bashar”Balse Waxaanu ku celin Waxay Ahaayeen” Suldaan Axmed Bin Selayem.
February 28, 2018 - Written by admin

Maareeyaha guud ee shirkadda DP World Sultan Ahmed Bin Sulayem, ayaa luuqad adag kula ladda jabuuti  mar uu waraysi siinayay televisionka caalamiga ah ee Al-jazeera, kaasi oo uu kaga jawaabayay go,aankii dawlada Jabuuti ay ku laashay heshiiskii ay kula jirtay shirkada maamusha dekedaha ee DP World.

sultan

Hadalkan ka soo yeedhay maamulaha guud dekedaha ay maamusho amaba ay gacanta ku hayso shirkada Dubai port world Sultan Axmed Bin Sulayem ayaa ku soo beegmaya saddex maalmood kadib markii dawladda jabuuti laashay heshiisii y kula jirtay shirkadda dp world

Hadal kasoo yeedhay maamulaha dekedaha shirkada dp world ayaa udhignaa sidan

“dadka reer Jabuuti waxaanu ka dhignay “bashar”,balse waxaanu ku celin waxay ahaayeen” Suldaan Axmed Bin Selayem.

Dhanka kale shirkada DP World ayaa waxay sannadihii ugu danbeeyay heshiish la gashay Somaliland kaasi oo ay kula wareegtay gacan ku haynta marsada caalamiga ah Berbera muddo 25 sanno ah iyadoo aan ilaa hadda wax la taaban karo ka qaban.

isku soo wada duuboo hanjbaadda culus ee ka soo yeedhay maamulaha guud ee shirkadda dp world ayaa cabsi xoogan ku beeray dalka jabuuti

Halkan Riix Si Aad U Akhrisatid Warkan ay Baahisay Warbaahinta Aljazeera

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS