BALIGUBADLE MEDIA
Benjamin Netanyahu oo Eedaymo Culus Hawadda U Mariyay Dawladda Iiraan
February 18, 2018 - Written by admin

Maxay Bulshadda Somaliland Ka Baran Kartaa Kacdoonadii Saamaynta Yeeshay ee Ka Aloosnaa Ethiopia “Faaladda Baligubadlemedia
waa dhawrkii sanno ee u dambeeyay kacdoono shacbi ka aloosnaayeen dalka aynu dariska nahay ee ethiopia kaas oo la daalaa dhacayay cadaalad darro iyo koxaysi ka aloosnaa dalkaas qarniyadii aynu soo dhaafnay taas oo samir badan oo ay muujiyeen bulsho waynta ethiopiawakhti xaadirkan keentay inay awoodooda muujiyaan qaar kamida qoomiyadaha awooda dawladeed lagu haystay ee ay ugu horayso oromiya.

netanyahu_624x351_afp_nocredit
oromiya waa qoomiyadda ugu tirada badan ethiopia balse hadana waa qoomiyad si foolxun loo bahdilay islamarkaana la gaadhsiiyay heer awooda dawliga ah lagu cabudhiyo
muddo badan oo ay soo samraysay qoomiyada oromiya waxay aakhirkii ku dhaqaaqeen go’aano midho dhalay kuwaas oo dalka ethiopia ka sababay isbedelka uu maanta galay ee dhinaca xukunka
hadaba bulsho waynta somaliland maxay ka barankartaa kacdoonaddii mudada ka tagnaa dalka ethopia iyo isbedeladda uu keenay?
bulshadeena oo ah mid ka aradan fahamka xuquuqda ay ku leeyihiin nidaamka dalka ka jira ayaa u baahan inay marka hore fahmaan waajibaadka sharci ee ay ku leeyihiin maamulka jira islamarkaana sidoo kale waa inay fahmaan in hadba maamulka meesha joogaa uu yahay kay iyagu meesha keeneen islamarkaana hadii uu ka horyimaado rabitaanka bulshadda uu si fudud meesha uga bixi kara iyagoo xaq u leh inay dhigaan banaan baxyo salmi ah kuwaas oo ay ku dalban karaan in hadii uu fashilmo madaxwaynihii ay doorteen kaga dalban karaan is casilaad.
shacabkeena waxa looga baahanyahay inay si wanaagsan u fahmaan shuruucda dalka islamarkaana ay maanka ku hayaan in madaxwaynaha ama maamulkiisu haday sharciyadda dalka khilaafaan ay iyagu fudud yihiin si fududna ay u soo dhaafi karaan xafiiska
Rai’sul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa weerar kulul oo dhanka afka ah ku qaaday Iiraan.

Netanyahu ayaa Iiraan ku tilmaamay in aysan ahayn oo kali ah halista ugu wayn ee israa’iil balse ay tahay mid khatar ku ah guud ahaan caalamka.

Rai’sul wasaaraha Israa’iil oo khudbad ka jeedinayay shirka ammaanka ee Munich, ayaa ku eedeeyay Iiraan in ay doonayso in ay maamusho bariga dhexe iyada oo u sii maraysa argagixisada.

Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil aysan aqbali doonin in Iiraan ay qoorta u galiso argagixiso.

Mr Netanyahu ayaa waxa uu soo bandhigay qayb ka mid ah haraadiga diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo ay todobaadkii aanu soo dhaafnay ay Israa’iil soo riday, islamarkana ay sheegeen in ay Iiraan lahayd.

Waxa uu xusay in Iiraan ay dafirayso in diyaarad ah nooca aan duuliyaha lahayn ay u soo dirtay dhulka Israa’iil toddobaadkii aanu soo dhaafnay .

Rai’sul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa wacad ku maray in aysan Israa’iil ogolaan doonin in Iiraan ay saldhigyo halis ku ah dalkiisa ay ka samaysato gudaha Suuriya.

Soo ridida diyaaradda ayaa ahayd isku dhicii ugu horeeyay ee dhex mara militariga Israa’iil iyo Iiraan.

Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Mohammad Javad Zarif ayaa lagu wadaa in maanta galinka dambe uu khudbad ka jeediyo shirka Munich ee looga hadlayo arrimaha ammaanka caalamka.

Source: bbc

COMMENTS