Beesha Goboladda Hawd Iyo Hargeysa Dacarbay Leefeen Intay Islaahaayeen Wax La Qaybsadda Walaalihiin” Aqoonyahan Xasan Gumburaawi”
February 3, 2018 - Written by admin
Somaliland dal la kala leeyahay ama la wada leeyahay mid buu noqon isha aan arko dhawaan
Welgay ba meel lagu jabaan
Jiqilo waynaaaye
Illaahay i jecelaa
Muxuu jaray arwaaxdayda
Suldaan Mohamed Suldaan farax sul mahad ayaa maalintii hubka dhigista ugu horeysay somaliland ee uu beeshiisa hubka ka dhigayay kuma wareejinayay xukumadii madaxwayne cigaal waxa hadaladii maalintaas ka mid ahaa
“Maanta waxa aynu dhidibada u taagaynaa dawlad ay aafaysay qabyaalad, dhaqaale xumo, iyo Maamul aan hana qaadi karin ciidan la,aan awgeed waana illaahay mahadii in aan anigu noqdo suldaankii ugu horeeyay ee ciidankiisa saanadooda iyo hubkooda ku wareejiya xukumadan maanta (xukumadi cigal)
In badan ayaynu cadaalad daro ka soo dagaalanay oo ay dad iyo duunyo ba ku waynay, maanta se waxaynu Illaahay ka baryaynaa inuu madaxdeena xaqa waafajiyo,
Ma aha sababta aan ciidankayga ugu warejinayo xukumadan in aynu dawlad keliya dhisno lkn ujeedkeenu waxa weeye in ubadkeenu helaan cadaalad, sinaan iyo mustaqbal fiican ”
Iyada oo ay sidaa tahay gobolka Hawd na uu ahaa gobolkii keli ahaa ee marti geliyay jabhadii SNM iyo Madaxdeedii hadana maanta gobolka Hawd iyo iyo beeshiisu waxay noqdeen qaar eeda oo ku hungoobay dawladnimadii ay shacabka reer somaliland u haraadanayeen
Ilaa wakhti xaadirkan la joogo beesha gobolka Hawd waxay u heelan tahay taabo galka dawladnimada somaliland lkn horta ma loo og yahay ba jiritaanka beelnimo
Bal hada u fiirso maanta somaliland waxay ku jirtaa xaalad dagaal oo ay kula jirto maamul goboleedka Puntland, hadana saraakiisha ugu saraysa ciidamadaas ee hogaaminaya waa isla beesha Arab sheekh Isaxaax, sababtuma waxa weeye madaama oo ay dhaleen beesha #Dhulbahante oo qayb ahaan ay diidan yihiin jiritaanka somaliland cida keliya ee ay wax ka dhagaysan karaana ay tahay awowyaashood Arab oo aanay Isaaqa kale dheg u dhigayn tuusaale ahaan sarkaalka ugu sareeya ciidamada ee bariga ama abaanduulaha oo ah Gaashaanle Sare DOOLAAL waxa looga maarmi waayay deegaamadaas.
Iyada oo ay sidaa tahay hadana guudatii ugu horrysay ee hubka dhigtay somaliland ay hayd guudatii sanacaani oo bud-dhig u ahayd ciidan qaran oo somaliland yeelato ma la mahadiyay abaalkaas beesha
JAWAABTU WAA MAYA
Maanta ilaa wakhtigaas laga soo gudbay waxay beesha gobolka Hawd gaadh ka haysaa ceel ay dhuuqayaan macaan jeceshii weligood eegan jirey markay xeedho iyo fandhaal kala dhacaaan
Maanta gobolka Hawd iyo beeshiisu waxba kuma qabaan xukumadahan kala dambeeyay ee somaliland xataa iska daa wax kaloo looma ogola dhalinyarada gobolka Hawd inay ka hawl galaan xukumada waana tuko baal cad oo kale oo waa laga sasayaa in xil loo magacaabo ama la shaqaalaysiiyo
Isku soo wada duuboo rejo xumada iyo wax wada yeelasho la,aanta ka muuqata maanta somaliland waxay sabab u noqon kartaaa in gobolkii laga soo dhisay somaliland ee HAWD uu isagu hadana gacantiisa ku baabiiyo waana arin saamaynteeda yeelan doonta oo loo joogi doono
ALLAHAYOW NIN DAACADA
ALLAHAYOW NIN DAALINA
DEEQDAADA HAW SIMIN
Qalinkii Xasan Yusuf (Gumburaawi)
Like this:
Like Loading...
COMMENTS