BALIGUBADLE MEDIA
Beesha ARAB oo Kalsoonidii Kala Noqotay Xukuumadda Madaxwayne Muuse Biixi
February 13, 2018 - Written by admin

dhalinyaradda beelaha arabwayne ayaa sheegay inay wadaan shirwayne aayo ka tashi oo ay beeshu kaga tashanayso aayaheeda sidoo kale dhalinyaradu waxay bayaan ay soo saartay ku sheegeen inay kalsoonidii kala noqdeen xukuumadda madaxwayne muuse biixi kadib markii ay ka xukuumaddani noqotay mid aan loo dhamayn islamarkaana aan buuxin shuruudihii dawladnimo

bayaan

dhanka kale dhalinyarada iyo aqoonyahanka beelaha arab waxay sheegeen inay ka beel ahaan ka tashan doonaan mustaqbalka dalka oo mugdi badani hadheeyay islamarkaana ay shir balaadhan ku qabsan doonaan magalaada hargeysa kaas oo ay kaga tashanayaan aayahooda

waxay sheegeen in ajandaha shirka iyo mudada la qabanayaba ay dib ka soo sheegi doonaan balse waxa kale oo bayaanka lagu sheegay in beelaha arab la dhacsanyihiin shirwaynaha beelaha gerxajis islamarkaana ay somaliland maanta u baahantahay badbaado qaran maadaama oo masiirkii umadda kooxyari doonayso inay ku dheeldheesho

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS