BALIGUBADLE MEDIA
Xukuumadda oo Cashuurtii Ku Kordhisay Ganacsatadda Qaadka + Qiimaha Lagu Kordhiyay.
January 27, 2018 - Written by admin

Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay cashuurta jaadka ku kordhisay 50% cashuurtii hore looga qaadi jiray.
Go’aankan ayaa ah qayb ka mid ah go’aamo ay xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi go’aamisay oo ay ku doonayso inay kula dagaalanto sicir bararka xadhkaha goostay iyo qiime dhaca lacagta Somaliland, waxaana la sheegay in go’aankani uu ku bilaabmay jaadlayaasha dalka soo geliya qaadka.

jaad qaad

Talaabadan ayaa ka mid ah talaabooyin kala duwan oo ay xukumadda Madaxweyne Biixi ku dhaqaaqday, ka dib guddi wasiirro ah oo uu madaxweynuhu u saaray wax ka qabashada sicir bararka oo ah aafo saamayn ku yeelatay nolosha shacabka Somaliland.

Qaadka oo dhibaato caafimaad iyo nadaafadeed ku haya bulshada, ayaa haddana waxa ay dadka aqoonta dhaqaalaha bartay sheegaan inuu qayb ka yahay mashaakilaadka sicir bararka iyo qiime dhaca lacagta Somaliland.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS