BALIGUBADLE MEDIA
Xukuumadda Kulmiye oo Dhaqaale Urursi Ka Dhex Raadinaysa Abaaro Markale Dib Ugu laabtay Dalka
January 30, 2018 - Written by admin

Xukuumadda Somaliland ayaa goordhawayd ku dhawaaqday in Abaar baahsani ku dhufatay deegaamada Somaliland.

news
Faysal Cali Sheekh, Guddoomiyaha Hay’adda U-diyaar garowga Aafooyinka iyo Keydka Raashin waxa uu sheegay in Abaartu saamaysay in ka badan Hal milyan iyo Todobo boqol oo qof oo u dhiganta 47% shacabka Somaliland.
Faysal Cali Sheekh ayaa caalamka iyo gancsatada Somaliland ugu baaqay in si midaysan looga gurmado dadkaasi.
Muddooyinkii u dambeeyey waxaa iska soo daba dhacayay qaylo dhaanta abaarta gaar ahaan deegaanada galbeedka Somaliland, illaa hadda se ma jirto wax gurmad ah oo ay heleen dadka abaartu saamaysay.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS