BALIGUBADLE MEDIA
” Xeerkii Booliska Bari Baa La Dhaqan Galinayaa Oo Faafintii Ku Soo Baxayaa”….Xafiiska Garyaqaanka Guud Ee Somaliland
January 20, 2018 - Written by admin

Ku Xigeenka Qaryaqaanka Guud Ee Somaliland Md Xuseen Maxamed Jaamac (Balal) ayaa ka hadlay dhaliilo ugu yimi qaar ka mida Qareenada Madaxbanaan Ee Somaliland Oo DHawaan ku Eedeeyay in Xafiiska Garyaqaanka Guud Ka Hor Taaganyahay ansaxinta Xeerarka Baarlamaanka Soo Gudbiyaan.
balal
Sido Kale Xeerka ay Ku Eedeeyeen Xafiiska Garyaqaanka Guud Inuu ka hortaagayahay Faafintiisa Rasmiga ah  Waxa Ka Mida Xeerka Booliska, Garyaqaan Balaal waxa uu hoosta ka xariiqay isaga oo la hadlaayey Eryal Tv Inaay Yihiin Eedaymahaasi Waxba Kama Jiraan.

“Horta Eedahaa xoghayaha Guud Ee Qareenada nagu eedeeyay ma qabno Eedaasi Isagaana Cadayn Doona, Xeerarka marka baarlamaanku ansaxiyo ee Madaxweynuhuna saxeexo in ay faafinta ku soo baxaan Waa Sharci waa Dastuuri ana ma hor istaagi karo mid iga sareeya iyo mid iga hooseeyaana ma hor istaagi karo.

Md Balal isaga oo si gaara uga hadlaaya Xeerka Booliska Waxa Uu Yidhi “Xeerka Booliska ayeey dul tagnaayeen malaa oo la danaynaayo Xeerka boliisku faafinta wuu ku soo baxayaa Bari ama saadambana wuu soo baxayaa, Sagalkii qodob ee Madaxweynuhu Soo Celiyayna Labadii Kun Iyo Sadex Iyo Tabankii Anuu Waxaan ahaa Ninkii ka shaqeeyay Markaasi Xeerkaasi wuxuu ku soo baxayaa Faafinta Rasmiga ah Waana Been Wax ka jiraan ma jiro Ee Inamadu In ay Shir-jaraaid qabtaan uun ayeey u xiisoodeen”.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS