BALIGUBADLE MEDIA
Xeerka Xil Ka Qaadista Maayaradda Dalka oo Jiif Iyo Joogba U Diiday Soltelko Iyo Aqlabiyadda G. Deegaanka Hargeysa oo Taageeray Xeerkaas.
January 26, 2018 - Written by admin

XildXildhibaanada Golaha deegaanka ee Hargeysa ayaa ku hawlan mooshin ka dhan ah maayirka magaalada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), waxaanay sidoo kale taageero u muujiyeen dood ay xildhibaanada wakiilladu soo dhigeen taasoo sharciyeynaysa in maayirrada magaalooyinka xilka lagaga qaadi karo cod hal dheeri ah.

solteco

xildhibaanadda golaha deegaanka hargeysa oo maalintii shalay shir jaraa’id ku qabtay hargeysa ayaa sheegay inay taabacsanyihiin xeerka golaha wakiiladdu ku samaynayaan wax ka badalka ee lidiga awooda aan la malayn ee karin  ee maayarada dalka qaar kamid ahi yeesheen kuwaas oo xarumihii iyo hawlihii dawladda hoose ee hargeysa ka dhigtay goob ay iska leeyihiin

maayar soltelko ayaa kamida maayaradda sida ba’an ugu takrifalay hantida umadda islamarkaana si aan la malayn karin u musuqay una yeeshay hantidii amaanadda ahayd ee umaddu u dhiibatay.

xukuumadda cusub ee madaxwayne biixi ayaa iyadu rajaynaysa inay si wanaagsan iskula jaanqaadaan golayaasha deegaanka ee dalka si meesha loo saaro shakshiyaadkii hore u caadauystay musuqa iyo boobka umadda ee la fal galay xukuumadii hore

isku soo wada duuboo aqlabiyadda golaha deegaanka hargeysa ayaa ku qanacsan in wax ka badal iyo kaabis lagu sameeyo xeerka jiheeyay in maayaradu dalka musuqaan ee imika la rajaynayo in wax ka badal lagu sameeyo islamarkaana horyaala golaha wakiiladda somaliland

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS