BALIGUBADLE MEDIA
WAX KA BARO DASTUURKA JAMHUURIYADA SOOMAALILAND
January 4, 2018 - Written by admin

Akhristayaal qormadii tan ka horaysay waxaynu ku soo bandhignay xuquuqaha iyo xoriyaadka aas aasiga ah ee uu dastuurka jamhuuriyada Soomaaliland u damaanad qaaday muwaadiniinta reer Soomaaliland.
cccc (1)
Maanta waxaynu halkan ku soo bandhigi doonaa sida uu dastuurka jamhuuriyada Soomaaliland u qeexay ama u sheegay qodobadan hoos ku xusan oo laga yaabo in badan oo dadkeena ka mid ahi aanay si fiican u aqoon.

Qaranka Jamhuuriyada Soomaaliland
Dalka Jamhuuriyadda Soomaaliland
Magaalo Madaxda
Jinsiyada
Diinta
Afka
Calanka ,Astaanta iyo Heesta Qaranka

QODOBKA 1AAD
QARANKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND
1. Dalkii Maxmiyadda ahaa ee 26kii Juun 1960kii gobanimadiisa ka qaatay
Boqortooyadii Midowday ee Ingiriiska iyo Waqooyiga Ayrland (United Kingdom of
Great Britain and Northern Ireland), lana odhan jiray Maxmiyadda Somaliland, kuna
biiray Soomaliya 1dii July l960kii si ay u wada curiyaan Jamhuuriyadda Soomaaliya
[Somali Republic] ee kula soo noqday gooni-isu-taagiisa Go’aankii Shirkii Beelaha
Somaliland ee Burco 27kii April ilaa 15 May l99lkii, waxa uu halkan ku noqonayaa sida
waafaqsan Dastuurkan dal madax bannaan oo leh xaqa iyo karaamada
Qaranimadusa, kuna magacaaban “Jamhuuriyadda Somaliland”.
2. Awoodda iyo karaamada Qaranimada waxa leh shacbiga; wuxuuna u adeegsanayaa
si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale.
QODOBKA 2AAD
DALKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND
1. Dalka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu fidsan yahay bed (Area) ahaan dalkii Ia
odhan jirey Maxmiyadda Somaliland oo tilmaan ahaan ku yaalla dhigaha (Latitude) 8°
ilaa 11° 30′ Waqooyiga Dhulbadhaha iyo loolka (Longtitude) 42° 45′ ilaa 49° Bariga;
waxaanay soohdimihiisu ka kooban yihiin berriga1 jasiiradaha, biyaha gobolleed,
dhulka iyo badaha hoostooda, hawada sare iyo xeebleyda (Continental shelf).
2. Jamhuuriyadda Somaliland waxay xad la wadaagtaa dhinaca Waqooyi Gacanka
Cadmeed; dhinaca Bari Soomaaliya; dhinaca Koonfureed iyo dhinaca Galbeed
Jamhuuriyadda Federaalka ah ee ltoobiya; dhinaca Waqooyi Galbeed Jamhuuriyadda
Jabuuti.
3. Dhulka Qaranku waa muqaddas; waana laguma xad gudbaan.
QODOBKA 3AAD
MAGALO-MADAXDA
Magaalo-madaxda Jamhuuriyadda Somaliland waa Hargeysa.
QODOBKA 4AAD
JINSIYADDA
1. Qof kasta oo u dhashay Somaliland, kana issirran dadkii deggenaa dalka Somaliland
26kii Juun 1960kii iyo ka hor, waxa loo aqoonsanayaa muwaadin Somaliland.
2. Xeer baa caddaynaya sida lagu heli karo ama laga waayi karo jinsiyadda Somaliland.
QODOBKA 5AAD
DIINTA
1. Diinta Qaranka Somaliland waa Diinta lslaamka; waxaana geyiga Somaliland ka
reebban faafinta diin aan ahayn Diinta lslaamka.
2. Xeerarka dalka waxaa laga qaadanayaa Shareecadda lslaamka; waxaana reebban
wixii xeer ah ee ka soo horjeeda.
3. Dawladdu waxay oogaysaa shacaa’irta dimiga ah (umuurta Diinta); waxaanay
fulinaysaa axkaamta Shareecadda. Sidoo kale waxay ka hortegaysaa fisqiga iyo
anshax- xumada.
4. Tirsiga taariikhda waxa laga raacayaa tan lslaamiga ah ee Hijriyada iyo tan
Miilaadiyada ah.
QODOBKA 6AAD
AFKA
I. Afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waa Af-Soomaaliga; afka labaadna
waa Af- Carabiga.
2. Afafka kale waxa loo adeegsan karaa wixii looga maarmi waayo.
QODOBKA 7AAD
CALANKA, ASTAANTA & HEESTA QARANKA
1. Calanka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ka kooban yahay saddex midab oo isle’eg
oo ballaadh u goglan. Midabka sare waa Doog, dhexdiisana ay ku qoran tahay Laallaaha llla-Lahu Muxamedu Rasuul-Allaah oo Far-Carabi ah, oo midab cad ah;
midabka dhexe waa caddaan ay badhtanka kaga taallo xiddig madow oo shan
geesley ah, madaxyo simanna leh; midabka hoose waa casaan saafi ah.
2. Astaanta Qaranku waa Galaydh Bunni ah oo ay laabta kaga qoran tahay “ALLAAHU
AKBAR” oo Far Carabi ah; kuna taagan laba gacmood oo is-gacan qaadaya, miisaana
ka sarreeyo ay labadusa kafadood hareeraha Galaydhka ka laalaadaan. Laba
caleemood oo doog ah ayaa hoosta iyo hareeraha kaga wareegsan Galaydhka;
labada caleemood baarkooda inta u dhaxaysa waxa ku qoran “Bisinka” oo Far Carabi
ah.
3. Heesta Qaranku waa mid muujinaysa bartilmaameedyada Dastuurka, caqiidada
ummadda, hab-dhaqmeedka wadatashi; waxanay yeelanaysaa miyuusik u gaar ah
oo ka duwan kuwa dalalka kale; waxaana lagu soo saarayaa xeer.
4. Wax-ka-beddelka ama bedelaadda calanka, astaanta, iyo heesta qaranka, waxa
jidaynaya go’aan Golaha Wakiilada.

ALLAA MAHAD LEH

W/D : JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED (ABU CIZA)

[email protected]

COMMENTS