BALIGUBADLE MEDIA
Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo Ka Hadlay Nooca uu Noqon Doono Xidhiidhka Ka Dhaxayn Doona Saxaafadda Iyo Xukuumaddu.
January 19, 2018 - Written by admin

Wasiirka warfaafinta somaliland Cabdiraxmaan Guribarwaaqo ayaa ka hadlay wada shaqaynta uu damacsan yahay inuu la yeesho saxaafada madaxa banaan.

guribarwaaqo

Wasiir Guribarwaaqo oo ka hadlayey kulan tababar ah oo loo soo xidhayey hogaanka cusub ee ururka Solja ayaa sheegay inuu diyaar u yahay wada shaqayn wanaagsan oo dhex marta warbaahinta aan dawliga ahayn.

Wasiir Cabdiraxmaan Guribarwaaqo oo arimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Haddii aanu jirin xeer dalka lagu dhaqaaba waxba inooma kala soconayaan waxana  lagu kala socdaa waa xeer, xeerkaas waad gashay iyo maan galin, dawladu aad ayey ugu foogan tahay in sida ugu dhakhsaha badan in wax laga qabto oo la

hir geliyo xeerka saxaafada,  waxaana qayb ka noqon doona saxaafada, dawlada, baarlamaanka, xeer ilaaliyaha iyo maxkamada,  runtiina mid loo wada dhan yahay oo aan cidna lagu gafayn in laga soo saaro weeyaan, qof hadhaw oday iyo islaani daba cararayso aanu jirin ee qof waliba xeerka wixii uu ka galay lagu qaado ayeynu samaysanaynaa.”

Wasiir Cabdiraxmaan Guribarwaaqo oo balan qaad u samaynaya warbaahinta madaxa banaan ayaa waxa uu yidhi “Balan ayaan idiinku qaadayaa aniga oo wasiirkii ah wada shaqayn, Isfahan iyo in marka  xurgufi timaado aanay halkaas ka gudbin ee aynu iskugu nimaadno miiska oo aynu nidhaahno arintaas ayaa dhacday ee sidee ayey wax yihiin laakiin haddii aynu is dhaga tirno oo siday doonto ay noqoto macnaheedu waxa weeyaan inaynu dalkeena burburinayno ee waxba ma dhisayno.’”

Wasiir Cabdiraxmaan Guri barwaaqo oo ka hadlaya waxtarka warbaahinta ayaa waxa uu intaas raaciyey “Saxaafaduna waa meesha bulshada laga dhiso ama laga burburiyo, aduunkuna waxa uu wax ku dhistaa waa saxaafada, marka aynu dan wada leenahay waa inaynu u wada shaqaynaa, waana inaynu xaga wanaagsan u adeegsano.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS