BALIGUBADLE MEDIA
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya Yuusuf Garaad Axmed oo Xilkii Laga Qaaday Iyo Tafaasiil uu Ka Bixiyay Qaabka Xilka Qaadistiisa
January 4, 2018 - Written by admin

Raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa isbedel ku sameeyay golihiisa wasiirrada, wuxuunu xilalkii ay hayeen ka qaaday saddex wasiir.
yuusuf garaad
Warbixinta ka soo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo uu akhriyay wasiirka warfaafint ayaa lagu sheegay in xilalka laga qaaday wasiirrada kala ah, Yusuf Garaad (Arrimaha dibadda), Khadra Axmed Ducale (Ganacsiga iyo warshadaha) iyo Cabdi Saciid Faarax (Arrimaha Gudaha).

Yuusuf Garaad Cumar oo qoraal uu kaga hadlayo xilka qaadistiisa iyo sidii uu ku ogaaday in xilka laga qaaday ku yidhi sidan :-

Maanta oo ah Khamiis, taariikhdu ay tahay 4-ta January sannadka 2018, waxaan xalay aniga iyo Wasiiru Dowluhu ku daahnay howl uu Ra’iisal Wasaaruhu ii xil
saaray in aan maanta isaga soo hor dhigo 9-ka subaxnimo si aan Golaha Wasiirrada u geyno galabta. Hase yeeshee qof  saaka iga soo wacay dalka Mareykanku ayaa ii sheegay in xilka la iga qaaday.

Ka dibna waxaan telefoon u diray oo aan ka hubsaday Wasiirka Warfaafinta oo aan weydiiyay in warkaas idaacadda Qaranka laga sii daayay. Wuuna ii xaqiijiyay. Ra’iisal Wasaaraha inkata oo aan wacay iima suurta gelin in aan wadahadalno marka aan daabacayo sadarradan.

Waan xusuustaa in hadda ka hor uu Madaxweynuhu igu yiri afar sano waan isla dhammeysaneynaa. Niyad wanaag ayaan uga arkay laakiin kama rumeysan. Umana heysan in uu damcay in aanuu run ii sheegin. Laakiin waxaan ogaa in ay u badan tahay in aanay suurta gal noqon.

Ugu horreyn, si buuxda ayaan u aqbalay xilka aan Qaranka u hayay ee la iga qaaday.” Ayuu ku yidhi Ex. Wasiir Yuusuf Garaad qoraal dheer oo uu soo saaray maanta

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS