BALIGUBADLE MEDIA
Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Itoobiya
January 26, 2018 - Written by admin

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibada  iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Isse Awad ayaa kulan kula yeeshay Magaalada Addis Ababa dhiggiisa Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu.

gebayahu

Labada dhinac ayaa waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee u dhexeeya labada dal.

Amb. Ahmed Awad iyo Dr. Workneh Gebeyehu waxa ay si qotodheer u fallanqeeyeen arrimaha ammaanka, ganacsiga , maalgashiga iyo suuragalnimada xiriir furan oo u dhexeeya labada shacab ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

Waxaa lagu wadaa in bisha March, 2018 markii ugu horreysay labada dowladood ay yeeshaan Guddi heer wasiir ah oo qaadaa-dhiga waxyaabo halbowle u noqon kara iskaashi sal adag oo labada dal ay yeeshaan.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS