BALIGUBADLE MEDIA
Ururka Suxufiyiinta Puntland Ee Map Oo Doorasho Xor Iyo Xalaal ah Ku Doortey Hogaanka Ururka
January 1, 2018 - Written by admin

Ururka Suxufiyiinta Puntland ee marka magaciisa lasoo gaabiyo Loo yaqaan MAP ayaa, maalintii shaley aheyd six or iyo Xalaal ah u doortey Gudoomiye Cusub Gudoomiye Kuxigeen iyo Xoghaye Guud kadib markii Doorashadu gashey Wareeg Sadaex jeer ah oo ay isku soo sharaxeen Qaar badan oo kamid ah Xubnaha ka hawlagala Warbaahinta kala duwan ee Puntland.

Maxamed Daahir Caynsane,ayaa loo Doortey Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Puntland,halka Gudoomiye Kuxigeena loo doortey Yuusuf Maxamed Maxamuud,iyo Xoghayaha Guud ee Ururkaasi oo loo Doortey Nasra Cabdirsaaq Axmed,oo sidaa ku noqdey hogaanka Ururka Suxufiyiinta Puntland ee labada Sano e soo Socda.

Iyadoo ay Doorashadan ku tartameen Sadex Murashax oo marwey Wareeg ay Maamulayeen

Gudi Madax banana oo loo qorsheeyay in ay Doorashada qabtaan,Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP ayaa, noqdey Ururka Suxufiyiinta ee dhaqaalaha badan ka helay labadii sano ee lasoo dhaafey Dunida Caalamka iyagoo,taageero xoog leh ka helay dhamaanba Hay,adaha Warbaahinta Caalamiga ah ee Suxufiyiinta dalalka Afrika ka taageera dhinaca Warbaahinta iyo kor u qaadista aqoontooda Xirfadeed maadaama ururka MAP ee Suxufiyiinta Puntland ku kasbadeen Taageeradan iyo dhaqaalaha ay ka heleen Beesha Caalamka kadib markii lagu qancey nidaamka ay u qabsadaan Doorashada Xubnaha Suxufiyiinta eek u tartama Hogaanka Ururka oo ay ku Doortaan Doorasho Xor iyo xalaal ah oo aan habayaraatee laheyn wax Musuqmaasuq iyo Nin jeclaysi laheyn sida loo majara habaabiyey ta Ururka Solja ee Somaliland oo qaab fool xun loo qabtey labadii Doorasho ee u Dambeeyay.

Guud ahaanba Warbaahinta ka Hawlgasha Somaliland ayaa,siweyn uga deyriyey qaabka ay u dhacdey xulashadii ergooyinka Ururka Solja kuwaas oo dacwad ka dhan ah u gudbiyey Hay,ado badan oo dhinaca Warbaahinta Caalamka ah marka laga reebo Free Press oo iyadu,aan macno badan u qiimayn Solja haseyeeshee, kuwa Warbixin rasmi ah ka qaatey ee Musuqa Shirkii waxa kamid ah IFJ,CPJ,IFEX iyo REPORTERS WITH OUT BORDERS kuwaas oo hore u dhaliilsanaa sida ay wax u wadaan oo aan habayaraatee aheyn,nidaam maamul oo fiican islamarkaana ku dhisan Cadaalad ay u siman yihiin Guud ahaanba Suxufiyiinta ka hawlgala Somaliland.

Geesta kale,Kalsooni Daradii ka dhalatey Shirkii Solja ee Cadaalad Darada u qabsoomey wax aka hoos kacey ururo badan oo dhawaan ay ku dhawaaqi doonaan dhalinyarada ka hawlgala Warbaahintu.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS