BALIGUBADLE MEDIA
Telefoonada Aqalka Cad oo lagu duubay cod lagu eedeynayo Dimuquraadiyiinta
January 22, 2018 - Written by admin

Aqalka cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka ayaa badalay codkii ku duubnaa taleefoonada loogu talagalay in ay dadwaynaha soo wacaan.

Telefoonada Aqalka Cad ayaa lagu duubay cod lagu eedeynayo Dimuquraadiyiinta.

trump
Mareykanka ayaa bartamaha kaga jira xiridda howlaha dowladda , taasi oo ka dhigaysa qaar badan oo ka mid ah adeegyadda dowladda shaqaala la’aan.

Balse dadka soo wacay aqalka cad qaybta fariimaha lagu duubo ayaa waxa loo sheegay in Dimuqraadiyiinta ay eeda iska leeyihiin.

Fariintan la duubay ayaa dadka soo wacay waxaa loo sheegayay in wicitanakooda aan laga jawaabi Karin sababtoo ah Dimuqraadiyiinta ayaa lacagihii dowladda u haysta “afduub”.

Fariintan la duubay ayaa waxaa lagu xiray teleefoonka loogu talagalay in ay soo wacaan dadwaynaha ra’yigooda dhiibanaya.

“Nasiib daro, kama jawaabi karno wicitaankaaga maanta sababtoo ah Congreska Dimuqraadiyiinta ayaa haysta lacagihii dowladda-oo ay ka mid yihiin lacagihii loogu talagalay ciidamada iyo arrimaha kale ee ammaanka -waxaana afduub loogu haystaa arrimo aan la xiriirin dooda,”waxaa sidaas lagu sheegay fariinta la duubay.
“Iyada oo ay ugu wacantahay caqabadan , howlihii dowladda waa la xiray.”

Qaar ka mid ah dadwaynaha ayaa ka soo horjeedsaday carada uu muujiyay Mr Trump taasi oo arrimo xisbi uu ku saleeyay fariimo loogu talagalay dadwaynaha.

Fariintan ayaa wxa ay noqotay mid aysan dad badan u baran taasi oo ku qasabtay in ay baaraan sax ahaanshiyaheeda.

Sidoo kale saxafiyiin badan ayaa baaray fariintaasi si ay u xaqiijiyaan.

Qadkan taleefoonka ayaa aad mashquul u ahaa Sabtidii iyo Axaddii ka hor inta aysan BBC xaqiijin fariintan.

Joojinta ay dowladda shaqada joojisay ayaa bilaabatay saqdii dhexe ee Jimcihii ka dib markii xubnaha Congreska ay ku guuldaraysteen in ay balaariyaan lacagaha la siiyo dowladda federaalka.

Khilaaf xoogan ayaa ka dhashay lacagaha loo qoondaynayo ammaanka xuduuda ,lacagaha la siiyo militariga iyo sidii loo difaaci lahaa dadka muhaajiriinta ee aan haysan warqadaha aqoonsiga.

Haddii aan arrintani xal laga gaarin ayaa boqolaal kun oo ah shaqaalaha dowlada dhexe waxa ay ku qasbanaan doonaan in ay aadaan fasax lacag la’aan ah -ilaa laga xalinayo arrintan.

BBC

COMMENTS