BALIGUBADLE MEDIA
Taliyihii Qaybta Booliska Gobolka Daadmadheedh iyo Badhasaabkii Gobolka oo u dhaqmaya sidii MAGAFAYAASHII dadka tahriibin jiray
January 28, 2018 - Written by admin

Waxa dhacda ugub ah noqotay in Taliyihii Qaybta iyo Badhasaabkii
Gobolku u dhaqmaan si ka baxsan milgihii dawladnimo iyagoo maxaabiis
ay rumaan garaysay maxakamada Oodweyne ka qaatay Laaluush ay ku
sheegeen Ganaax, waxa jirtay in dhawaan taliyaha qaybtu dad masaakiina
ka soo urursaday meelo u ku sheegay inay yihiin degsiimooyin cusub oo
la kala yiraahdo CAWAALE AADAN, XIRSI DIIRIYE IYO HAGAR CALI
baliyadaas oo ahaa baliyo soo jireena cid mushkiladi dhextaalo oo isku
haysataana aanay jirin, habasa dhacdo soo qabqab shada muwaadiniin aan
waxba galabsan waxa fajiciso noqotay in markii mudo ay ku jireen
saldhiga Oodweyne isla markaana maxakamada laga rumaan gareeyay
maxaabiistaasi in shalay 24/01/2018 ay taliyihii qaybta iyo
badhasaabkii gobolku ka qaateen qayb ka mid ah maxaabiista min
3,000,000 slsh ah oo oo u dhiganta inay shalay qaateen laaluush sharci
daro ah 6,000,000 slsh , iyadoo sida sharcigu dhigayo cida wax ganaaxi
kartaa tahay maxakamadaha dakhliga ka soo xaroodana lagu jaro juwan
dawladeed oo u noqdo dakhli ku xarooda khasnada dawlada.
Arintan oo jahwareer badan ku abuurtay bulshada ku dhaqan gobolka waxa
lagama maarmaan ah in haayadaha ay khusayso arintani sida haayadaha
garsoorka, taliska ciidanka booliska  iyo madaxweynaha qarankuba
arintan si degdeg ah wax uga qabtaan isla markaana talaabo sharci laga
qaado masuuliyiintan magafayaasha noqday.
Siddaas darteed iyadoo ay jiraan wali maxaabiis u xidhan magafayaasha
oo ay ku jiraan Isuduwayaal dawladeed oo xadhigoodu sharci daro yahay
waxaan ugu baaqayna madaxda qaranka ee kala duwan inay gurmad u
sameeyaan gobolka daadmadheedh oo ay ku habsatay casaabad taliye
qaybeed iyo badhasaabnimo huwani.
ALLAA MAHADLE

C/Risak Cabdi Jaamac

COMMENTS