BALIGUBADLE MEDIA
Suxufiyiin lagu xidhay magaalada Laascaanood
January 17, 2018 - Written by admin

Sadex ka mid ah Suxufiyiinta ka hawlgala gobolka Sool ayaa ciidanka Boolisku xidheen, qaar kalena in la raadinayo ayay sheegeen.

Suxufiyiintan oo qaarkood la siidaayey ayaa lagu eedeeyey in ay qabanqaabiyeen tebiyeena tartan ciyaareed oo siyaasadaysan iyo gacan ka hadal.

news1

Mawliid Ismaal Somnews TV ka tirsan, Maxamed Bidhaanshe u warama SBS TV iyo Xamse Darwiish oo Kalsan TV ah oo isaga lagu eedeeyey in ciidanka uu la dagaalamayey, ayaa laba ka mid ah la siidaayey.

Ciidanka Booliska ayaa hada gacanta ku hayaan Bidhaanshe oo taliyaha ciidanka Booliska uu sheegay in ay cadayn ku hayaan in uu fal amni daro ah ku talaabsaday maxkamadna la keenayo.

Koox dhalinyaro ah oo ciyaartoy ah ayaa la xidhan, waxaana ay timi atintan tartan ciyaareed oo mudo soo socdey dhamaadkiisii weriyahani baahiyey in tartankan loogu mahac daray Farmaajo.

“Ma odhan karo weriyuhu denbi ma laha balse, waxa ciidanka qaadeen talaabo kale oo qalad ah, waxana ay noqotay qalad qalad ku sax, taasina waa gaf” sidaa waxaa yidhi C/raxmaan Cali Ducaale xoghaya ururka suxufiyiinta Gobolka Sool.

Si kastaba ha ajaatee waxaa mudo dheer kaga raystay khilaafka Somaliland iyo suxiyiinta gobolka Soil iyadoo mudo sanad ah laba jeer ay dhacday xadhig lahula koco saxafi oo kani ka mid yahay.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS