BALIGUBADLE MEDIA
Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland oo Daboolka Ka Qaaday Sirta Ka Dambaysa Dagaalaka Ceel-afwayn
January 23, 2018 - Written by admin

Madaxweyne Biixi oo waraysi gaar ah uu la yeeshay wakiilka idaacadda VOA ee Somaliland weriye Barkhad Maxamuud Kaariye, waxa kale oo uu ka jawaabay madaxweynuhu doodda ah inaanu weli dhammaystirin xukuumadiisa. Waraysiga ayaa u dhacay sidan:
Dadka qaar baa markii aad magacowday golahaaga wasiirada dareen celinta ay soo celiyeen waxay noqotay in wasiirada qaar aanay goobaha aad u magacowday aqoonteeda lahayn. Sidaad qofka isula meel dhigtay aqoontiisa iyo waxa uu qabanaayo?

suldaan maxamed cabdiqadir
Waxay ila tahay wasaaradaha waxii farsamo ama wax soo saar ah waxa loo dooraa waxii shaqadooda yaqaan, waxii hoggaamin ama maamul iyo siyaasad ahna waxa qaban kara qof kasta oo fanka hoggaaminta ma siyaasada leh oo u baahan waayo aragnimo, aqoon,u dhalsho, cadaalada oo kale waxa inoo haya maxkamada sare iyo xeer ilaaliyaha guud oo aqoonta gaar ahaaneed leh, cadaaladu waa meel maamul iyo hoggaamineed, markaas haddaad u jeedo maad siin nin garyaqaan ah, wasaarada cadaaladuba maamul ayay qabataa laakiin aqoonta loo baahan yahay waxa fuliya maxkamada sare iyo xeer ilaalinta, markaas waxay ila tahay waa uu ku haboon tahay ciddii loo magacaabay.
Wali dadka qaar waxay u dheg taagayaan magacaabista xukuumadaada oo wali dhamays tirnayn, ma laga yaabaa boqolka maalmood inay dhammaadaan adiga oo aan wali soo dhammays tirin?
Xukuumadaydu waa ay dhamaystiran tahay oo golahii wasiiradu waa ay dhan yihiin, waxa kale waa shaqaale, shaqaalahana qofkii shaqadiisa haya in la badalo ma noqonayso, haddii meel banaanaato ama qof shaqada qaban waayay ayuun baa la badalayaa, agaasimayaashu waa shaqaale, ambaasatooradu waa la mid markaas waxay u baahantahay in la darso oo ciddii xilka haysa ee shaqaysan wayday uun la badalo, markaas rayigaas kuguma raacsani xukuumadii may dhamaystirmin, xukuumadii laba maalmood gudahood ayaan ku dhamaystirnay, waana la ansixiyay oo baarlamaankii waanu ka dhammaanay.
Dad badan ayaa is waydiinaaya madaxweyne Muuse Biixi Cabdi muxuu ku kala doortay Jabuuti iyo Itoobiya, dalka aad ku horaysaana luuqada diblamaasiyada macno gaar ah ayuu ku sameeyaa , maxaad ku kala door biday?
Labda dalba wanaag iyo jaarnimo aya anaga dhaxaysa oo waa ay noo siman yihiin manaanan kala dooran, waa sida ay martiqaadku u kala hor yimid, wax laga baadh-baadho anigu ma arkaayo, sida aanu u kala hornimina waa siday waraaquu u kala hor yimaadeen oo laba cisho oo isku xiga ayay waraaqahoodu yimaadeen sidii uun baanu ugu duulnay, labadaba waanu is qadarinaynaa oo jaarnimo wanaagsan ayaa naga dhaxaysa, waanan sii xoojinaynaa labadaba waxa naga dhaxeeya.
Marka siyaasada arimo dibadeed la yidhaahdo Jabuuti waxay ka mid tahay dalalka ugu horeeyay siyaasada Somaliya ee raadka ku leh, Somaliland-na waxa ugu weyn ee ay u socotaa waa aqoonsi arintaas ma isla soo qaadeen madaxweynaha Jabuuti?
-Suldaanka Guud Ee Salaadiinta Somaliland, isla markaana ah Suldaanka Guud ee Beel-weynta Garxajis Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa markii ugu horeysay ka haddley Dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Darar-weyne ee gobolka Sanaag, waxaannu sheegqay inuu  Dagaalkaasi ahaa mid  u dhaxeeya Xukuumadda iyo Beel qudha, waxaannu xusay inay hubka bixisay Xukuumadda uu hoggaamiyo Muuse Biixi, isagoo Suldaanku Sheegay inuu Garxajis oo dhammi uu Dagaalka geli doonno.

Suldaanka Guud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa sidaasi ku sheegay mar uu Maanta Magaalada Hargeysa uu kula haddlayey Warbaahinta, waxaannu hadalkiisa ku bilaabay sidan:-‘ “Dagaalka ka soo cusboonaaday deegaanka Dararweyne,  horta meesha laba beelood kuma

dagaalamayaan ee Beel iyo Xukuumadda ayaa ku dagaalamaya, cida hubkan iyo rasaastan bixinaysaa ee cida kale siinaysaa  waa Xukuumadda lafteeda, waxaan leeyahay dagaalka hala joojiyo af-maaha, dagaalka Xukuumadu haka dhex-baxdo labada beelood dan ayey ku heshiin lahayeen oo dantooda ayaa isku keenaysa, laakiin beelna Xukuumaddii ha hubayso, beelna faraha halaga laabto noqon mayso,” Ayuu yidhi Suldaanka Guud Ee Garxajis..

Ugu Dambayn  Suldaanka Beel weynta Garxajis  Suldaan Maxamed  Suldaan Cabdiqaadir, ayaa Sheegay inay dagaalkaa ka qayb-gelayaan Garxajis oo dhammi, isagoo Muuse Biixi ugu baaqay inuu laba mid soo galo inuu noqdo Madaxweynaha qaranka somaliland ama Madaxweynaha Jeegaanta, waxaannu yidhi “Haddii ay sidaa u dhacdo waxaannu  balan-qaadaynaain  Garxajis oo dhan iyo Beelaha Somaliland Qaarkood ay ku  biiri doonnaan Dagaalkaas, waayo  Xukuumaddu waxay waddo waanu aragnaa, Beelaha kale ee Somaliland-na wey arkaan, waxba yaan qiiqa la iskugu kaaya qarinin shalay ayaa la lahaa Jeegaan-jeegaan, Madaxweyne Jeegaan ah  ayaad noqon ama Madaxweyihii Somaliland ayaad noqon.” Ayuu yidhi Suldaan Maxamed  Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS