BALIGUBADLE MEDIA
Steve Wynn oo Iska Casilay Madaxii Dhaqaale Ururinta Xisbiga Jamhuuriga
January 28, 2018 - Written by admin

Madaxii dhanka dhaqaala uruurinta u qaabilsanaa xisbiga Jamhuuriga , Steve Wynn ayaa is casilay ka dib markii ay soo baxeen eedeeymo ku saabsan in uu gaystay tacadi dhanka galmada ah.

steve wyn
Sida uu qoray waregeyska Wall Street Journal Jimcihii bilyooneerkan 76 sanno jirka ah ayaa ku xadgudbay mid ka mid ah haweeney ka shaqeyneysay goobaha lagu daliigo ragga waxa uuna mid kale ku qasbay inuu la galmoodo.

Mr Wynn ayaa beeniyay eedeymahaasi isaga oo ku tilmaamay inay yihiin wax caqliga aanan galeynin.

Madaxa guddiga Qaran ee Jamhuuriga Ronna McDaniel, ayaa u sheegtay warbaahinta Mareykanka inay ka aqbashay iscasilaaada uu usoo gudbiyay Mr Wynn.

Dhanka kale, Mr Wynn ayaa ku eedeeyay xaaskiisii hore oo dacwada dagaalkooda ay taallo maxkamadda inay iyadu ka dambeyso dacaayadahan iyo been abuurkan.

“Waxa kiciyay eedeymahan ayaa ah dacwada igala dhaxeyso xaaskeygii hore Elaine Wynn, taasi oo haatan aan kula jiro dagaal dhanka garsoorka ah, ” ayuu ku yirin ninkaan milyooneerka bayaan uusoo saaray oo nuqul ka mid ah ay heshay BBC-du Jimcihii.

BBC

COMMENTS