BALIGUBADLE MEDIA
Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis dhinaca Ganacsiga ah
January 12, 2018 - Written by admin

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Mohammed Guleed (Khadar) iyo wefti uu hogaaminaayo oo maalin ka hor gaadhay magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa maanta heshiis la saxiixday Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Turkiga.

mahdi khadar

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa wafdigiisa waxa ay ka kooban yihiin 13 xubnood oo ka socda Sedex iyo toban wasaradood iyo Afar wasiir  oo uu ugu horeeyo wasiirka cusub ee Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir Maareeye,

Mahdi Mohammed Guleed Khadar Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka iyo wafdigiisa ayaa waxa ay Magaalada Ankara uga qeyb gaeen shirka Iskaashiga Ganacsiga Soomaaliya iyo Turkey-ga oo markii ugu horreysay ka dhacay dalka Turkey.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka  Soomaaliya iyo dhigiisa dalka turkiga ayaa maanta kala saxiixday heshiis ku saabsan iskaashiga ganacsiga labada dowladood, waxaana goobjoog ka ahaa masuuliyiin labada dowladood ka kala tirsan.

Heshiiskan iskaashi ayaa dhigaya In Soomaaliya suuq ku yeelato Turkiga si Ganacsiga Soomaaliya loo gaarsiiyo Yurub iyo Asia Sidoo kale Turkiga waxay qaadan donaan oo Suuq u yeeli donaan Khayraadka Somalia sida Kaluumaysiga, Beeraha iyo xoolaha.

Turkiga waxay iibsan doonaan oo ay la wareegi doonaan Mooska, Liinta la qalajiyay, Sisinta iyo Kaluunka waxaana heshiiskan kala saxiixday labada Ra’iisal Wasaare ku xigeen ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS