BALIGUBADLE MEDIA
Somaliya oo Xil Sare Ka Raadinaysa Urur Goboleedka IGAD
January 4, 2018 - Written by admin

Dowladda Soomaaliya ayaa xil sare ka raadineysa Urur Goboleedka IGAD iyada oo xubin hore oo soo noqday Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya u magacawday in uu xilkaas qabto.

IGAD

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar ayey dowladda Soomaaliya taageereysaa si uu u noqdo xoghayaha fulinta ee Urur Goboleedka IGAD.

Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay Waddamada bixiya qaadhaanka Ururka IGAD,hayeeshee sidii Ururkaas loo aas aasay 1986-dii wax xil sare ah kama qaban.

Haddii uu xilkan qabto Cabdisalaan Hadliye waxaa ay noqoneysaa markii ugu horreysay oo uu qof Soomaaliya ah jago sare ka qabto Urur Goboleedka IGAD.

Xilkan haddii uu ku guuleysto Hadliye waxaa uu beddeli doonaan Xoghayaha Ururka IGAD ee hadda Maxbuub Macallin oo ka soo jeeda Kenya.

Dalalka aan xil ka qaban IGAD waxaa ay kala yihiin Jabuuti oo Xarunta IGAD ah,Soomaaliya iyo Koofurta Suudaan oo Ururka Xubin ka ah hayeeshee xornimadaba qaadatay 2011kii.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS