BALIGUBADLE MEDIA
Gabadh 30 jir ah oo hindistay shirkad ku fadhida $1 bilyan doolar
January 12, 2018 - Written by admin

Gabadha lagu magacaabo Melanie Perkings oo u dhalatay dalka Australia ayaa iyada oo 22 jir ah waxa ay curisay fikrad ganacsi oo iyada oo kale markaas suuqa ku yareyd.

canva
Waxa ay usoo duushay xarunta tijnoolajiyadda dalka Maraykanka ee lagu magacaabo Silicon Valley, halkaas oo ay la kulantay nin milyan dheer ah si ay fikradeeda ganacsi ugu qanciso in uu maalgashi ku sameeyo.

Ninka ay la kulantay ayaa lagu magacaabaa Bill Tai oo aad loogu yaqaano qalabta casriga, waxayna usoo bandhigtay fikradeeda, balse aad uma uusan danaynin, wuxuuse ku xirey dad kale oo fikradda daneeyay.

Fikaraddan ganacsi ayaa ahayd bog qofka caadiga ah u suurtogalinaysa in uu sameeyo naqshad kasta si wax loo daaboco, waxaana lagu magacaabaa Canva.

Muddo kadib ayuu Bill ku qancay fikradda Canva, islamarkaasna maalgashi ku sameeyay qudhiisa.

Maanta Canva waa shirkad xarunteedu tahay magaalada Sydney ee dalka Australia, waxayna ku fadhidaa qiimo dhan $1 bilyan oo doolar.

10 milyan oo qof ayaa isticmaasha bogga, kuwaas oo ku kala nool 179 dal oo adduunka ka mid ah. Waxaa la sheegay in 10 naqshadood lagu sameeyo boggan daqiiqad kasta.

Iyada oo 19 jir ah oo dhigata jaamacadda Western Australia, kuna nool guriga hooyadeed ayay fikaradan ku dhalatay kadib markii ay qaati ka gaartay culeyska barnaamijyada wax lagu naqshadeedu, waxayna aragtay in ay jirto baahi ah in dadka ay doonayaan hab fudud oo ay ku naqshadaystaan waxyaabaha ay daabacayaan.

Kadib iyada iyo lamaanaheeda Cliff Obrecht ayaa asaasay shirkadda Fusion Books, taas oo ardayda dugsiyada sare u suurtogalinaysa in ay naqshadaystaan jadwaladooda iskuulka iyo layliyada ay qorayaan.

Wixii markaas ka dambeeyay dib ma aysan eegin, waxaana u suurtogashay in ay gaaraan halka ay maanta joogaan.

Markii ay timid rugta Silicon Valley iyada oo raadinaysa cid maalgashi ku samaysa shirkadeeda, ayaa waxa ay la kulantay dhaqan ka duwan kii Australia oo ah in qofka uu isaga ka hadlo guulaha uu gaaray, waxayna ku qaadatay 3 sano in ay hesho wax maalgashi ah.

Agaasimihii hore ee Google Cemeron Adams ayaa shirkad la noqday gabadhan iyo saaxiibkeed, isaga oo ku maalgaliyay $3 milyan oo doolar, shirkaddana waxaa loo bixiyay Canva.

Inkasta oo isticmaalka waxyaabaha asaasiga ah ee boggan uu yahay mid lacag la’aan ah, haddane lacag ayay ka qaadaan dadka doonaya in ay isticmaalaan barnaamijyada aadka usii horumarsan ee bogga ku keydsan.

Wax ka badan 200 qof ayaa maanta u shaqaysa Canva, waxaana lagu qiyaasaa in ay ku fadhido lacag gaaraysa $1 bilyan oo doolar.

Source: bbc somali

COMMENTS