BALIGUBADLE MEDIA
Shir Madaxeedkii Ururka Midowga Africa Oo Maanta Ka Furmaya Adis-ababa
January 28, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa ka mid ah madaxda qaarada Africa ee ka qeybgali doona shirka maanta uga furmaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

firimaajo
Shirkan oo ah kii 30-aad ee Madaxda Afrika isugu yimaaddaan ayaa socon doona muddo labo maalmood ah, waxaana sanadkaan looga hadli doonaa xoojinta dagaalka lagula jiro musuqmaasuqa oo ay hoggaamiyeyaasha Afrika si wadajir ah uga shaqeyn doonaan.

Shirkaasi ayaa sidoo kale lagu casuumay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas Abuumaasin oo halkaasi ka jeedin doona khudbad la xiriirta arrimaha Falastiin,isagoo sidoo kale soo bandhigi doona aragtidiisa ku aadan go’aankii madaxweyne Trump ee Qudus.

Madaxda Africa ayaa sidoo kale lagu waddaa in ay yeeshaan kulamo gooni gooni ah oo looga hadlaayo xaaladda Afrika.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS