Shaqo Xishood Male W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid
January 11, 2018 - Written by admin
Waxa sida la wada ogsoonyey dalkeena somaliland ka jirta shaqo yaraan baahasan taas oo sababtay in dhallinyaro badan oo wax bartay ay ka niyad jabaan marka ay wayaan wax ay ka shaqeeyaan oo ku taxaluqa cilmigi ay soo barteen marka kadibna ay u fikiraan dhinacyo kale sida in ay tahriibaan in ay meelaha fadhi ku dirirka ah ciyaraa aduunka ku falanqeeyan in ay bilaaban balwado iyo dhinacyo kale,
Hadaba iyada oo ay taasi jirto hadana hadi dhankale loo fikiro waxa la abuuri karaa shaqooyin badan oo ay ka xishoodan dhallinyaradeena wax baratay ama jaamacadaha dhamaysatay ,
Waxana kamida abuurida ganacsiga yaryar sida dukaanada ka shaqaynta kuuliga, hudheelada, maqaaxiya shaaha, xamaalashada, beerashada khudaarta ,kaariga ,kirishboonimada,wastaadnimada, iyo qaar ka loo badan
Inta badana waxa niyadooda ku jirta waa lagula yaabi hadii adoo heer jamacadeed ah aad kuuli ku kalahdo taasna waxan odhan karaa bulshadeena ayaa sababtay waayo? Hadii wiil heer jaamacadeed ah ay ku arkaan isago mudalab ah ama kuuli ah way ku qoslayaan ama way la yaabayaan ! taasina sax maaha hadii aad eegto aduunka waxa lagu waydiinaya “ma shaqaysaa” laakiin wadankeena somaliland waxa lagu waydiinayaa “maxaad ka shaqaysaa” taasina waxay sababaysa in qofku sheegan kari waayo hadii shaqo hoose uu ka shaqeeyo, si kastaba ha noqotee shaqo xishood male.
W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid
Emil :[email protected]
Hargaysa somaliland
Like this:
Like Loading...
COMMENTS