BALIGUBADLE MEDIA
Shaqadii Xukuumadda Maraykanka oo Joogsatay
January 20, 2018 - Written by admin

Qeyb ahaan shaqadii Xukaamadda Maraykanka ayaa xalay saqdii dhexe joogsatay, kadib markii aqalka Senate-ku uu ku guuldareystay inuu meelmariyo miisaaniyad cusub oo KMG ah oo socon doonto ilaa 16-ka bisha danbe.

trump fataal

Wadaxaajoodyo socday daqiiqadiihii u danbeeyay ayaan miro dhalin, waxaana xubnaha Dimoqraadiga ee aqalka ka tirsan ay hor-istaageen miisaaniyadda KMG ah.

Waa markii afraad ee xukuumada Maraykanku ay howlaheedu istigaan muddo 25 sano ah, iyadoo tii ugu danbeysay ay dhacday 2013-kii.

Aqalka Cad ayaa shaqada joogsatay ee xukuumadda Maraykanka wuxuu ku eedeeyey Dimoqraadiyiinta.

Talaabadan ayaa ku soo beegmaysa sannad-guurada 1aad ee markii Donald Trump xukunka madaxtinimada uu qabtay ee loo dhaariyay.

Laamaha xukuumadda ee sii shaqeyn doona waxaa ku jira kuwa amniga dadweynaha iyo waliba ciidamada, kuwaasi oo lagu tilmaamo laamaha “muhiimka” ah, laakiin inta badan laamaha kale xukuumadda Maraykanka ayaa shaqadoodu xirnaan doontaa ilaa inta Congress-ku uu meelmariyo miisaaniyad ay xukuumaddu ku shaqeynso.

Miisaaniyadda KMG ee xalay Aqalka Senate-ku uu ku guuleystay waxaa soo gudbiyay aqalka hoose ee Wakiiladda.

VOA

COMMENTS