BALIGUBADLE MEDIA
Shaqaalihii Rasmiga ahaa ee Dawladda oo 65% Noqday Beesha Muuse Biixi Iyo Shaqaalihii Kumeel Gaadhka ahaa ee U Badnaa Beelaha Kale oo Gabi Ahaanba Shaqadda Laga Caydhiyay (Akhriso Tiradda Guud)
January 28, 2018 - Written by admin

Shaqaalihii Rasmiga ahaa ee Dawladda oo 65% Noqday Beesha Muuse Biixi Iyo Shaqaalihii Kumeel Gaadhka ahaa ee Beelaha Kale oo Gabi Ahaanba Shaqadda Laga Caydhiyay

fadeexad culus

gudoomiyaha haayadda shaqaalaha dawladda sharmaarke axmed geele ayaa noqday masuul galaaftay 234 shaqaale dawladeed ah kuwaas oo uu sheegay in shaqadda laga caydhiyay kadib markii ay ahaayeen shaqaale ku meel gaadh ah (Temperory) islamarkaana aan ahayn rasmi u dinwaan gashan dawladda (Payroll)

shaqaalaha la dareeriyay ee ayaa u badan beelaha kale ee somaliland kuwaas oo aan ku jirin payrolka dawladda

hadaba maadaama oo uu xadgudubka intaas leeg ku kacay gudoomiyaha haayadda shaqaaluhu waxay ahayd inaanu madaxwyane biixi la qaadan qorshahan gudoomiyaha haayadda shaqaalaha ee uu iska hubiyo balse madaxwayne muuse oo masuuliyadda koobaad ee dalku isaga saarantahay ayaa isna dambiga ugu wayn ku jira islamarkaana ay dulhooganysaa fadeexadda ku saabsan in beeshiisa oo kaliyi dalka uga dinwaangashantahay shaqaale dawladeed arintaas oo cirka ku sii shareeraysa cadaaladii baahsanayd ee dalka ka jirtay

tirada guud ee shaqaalaha dalka ka dinwaan gashan ee dawladda ayaa lagu qiyaasay inay tiradda ugu badan leeyihiin beesha madaxwayne biixi tas oo ah 65% halka dhamaan beelaha kale ee somaliland ay leeyihiin 35 halka waxoogaagii beelaha kale ahaa ee kumeel gaadhka ahaana dhamaantood shaqadda laga caydhiyay

tiradda guud ee shaqadda laga caydhiyay ayaa u badan
beelaha habar jeclo
Gerxajis
Arab

halka beelaha ka dinwaagashan dawladda ay intii ugu badnayn ay qaadatay beesha madaxwayne muuse biixi waxa bulshadda somaliland iswaydiinaysaa somaliland halkay ku socotaa,……

Waxaanu Idiin soo gudbin doonaa tiradda guud ee beelaha laga dareeriyay shaqaalaha dawladda .

Axmed Aadan Rooble

Baligubadlemedia.com

Hargeysa/Somaliland

COMMENTS