BALIGUBADLE MEDIA
Raysal Wasaare Khayre Muxuu Kala Hadlay Xalay Markuu Gurigiisa Ku Booqday Xildhibaan Cabdi Qaybdiid
January 1, 2018 - Written by admin

Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre oo booqday  hoyga Senator Cabdi Xasan Cawaale oo ah guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in uu ka xun yahay falka halkaasi ka dhacay.

qaybdiid

Ujeedka booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa la xiriirtay in uu la qeybsado dareenka ka dhashey falkii lagu weeraray gurigiisa Mudane Cabdi Qeybdiid.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u muujiyay Senator Cabdi Qeybdiid in Dowladda Soomaaliya ay ka xuntahay falkaasi weerarka ah,islamarkaana ay Dowladdu ka jawaabi doonto.

Waxaa falkaasi loo xirey ilaa 41 askari iyo saraakiil, kuwaas oo loo haysto in ay ku lug leeyihiin weerarkaasi,waxaana ku socda baaritaano.

Sources: universaltvsomali.

COMMENTS