BALIGUBADLE MEDIA
Nuxurka Qodobo Laga Soo Saaray Shirkii 3aad Ee Ay Yeeshaan Golaha Wasiirada Xukuumada Somaliland
January 11, 2018 - Written by admin

Muuse Biixi oo Durba U Banbaxay Xadgudubka Shaqaalaha Dawladda, Meeshana Ka Saaray Sharciyadii Iyo Hanaankii Dawladnimo
Madaxwaynaha somaliland muuse biixi cabdi ayaa muddo kooban oo uu xilka hayay kadib bilaabay xadgudubyo aan caadi ahayn oo uu kula kacayo shaqaalaha kala gadisan ee dawladda isagoo durba maanta shaqadii ka caydhiyay 109 shaqaale oo kamida shaqaalihii madaxtooyadda somaliland ee kala gadisanaa

shirka wasiiro qudhunka
arintan oo ka yaabisay cidkasta oo maqashay ayaa u baahan in laga hawlgalo sidii farta loogu fiiqi lahaa xadgudubyadda shaqaalaha dawladda ee uu durba muuse biixi ku kacayo
sidoo kale muuse biixi ayaa u muuqda shakhsi aan aqoon iyo waayo aragnimo u lahayn kursiga uu ku fadhiyo islamarkaana sidii guri ama hoy uu leeyahay ugu macaamilaya kursiga qaranka ee la saaray islamarkaana gabi ahaanba meesha ka saaray hanaankii iyo nidaamkii dawladnimo
dhanka kale waxa meesha ka maqan doorkii haayadaha ay khusayso ee arinkan jawaabta cad ka bixin lahaa oo iyaguna u muuqda kuwo shaqadoodii gabay waxa kale oo iyana looga fadhiyaa xisbiyadda muncaaradka inay doorkooda ka qaataan afduubka iyo bahdilka muuse biixi kula kacayo dawladnimadda somaliland.
-Kal-fadhigii saddexaad (3aad) ee ay yeeshaan golaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ka qabsoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 11.01.2018, hoolka shirarka golaha wasiirada ee Madaxtooyada Somaliland, ayaa dood-dheer iyo falaqayn ay ka yeesheen xaaladda guud ee dalka iyo arrinta ka soo cusboonaatay Gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Tuka-raq oo Dawladda Soomaaliya iyo Maamulka Puntland oo isgarabsanayaa ay ku soo gardaroodeen, waxa gebagebadii shirka ka soo baxay go’aamadan:-

1.     In dawladda Somaliland, siday horeba u sheegtay ay ka go’antahay in ay ilaalinayso  xuduudaheeda,  ogalaan

doonnina  in taako ka mida dhulka Somaliland lagu soo xadgudbo.

2.       In ay dawladda Somaliland u cadaynayso Wadamada deriska ah iyo Beesha Caalamkaba, inay ka go’an tahay nabad ku wada noolaanshaha iyo ilaalinta xasiloonida mandaqadda.

3.      In Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland ay si buuxda u taageeraan, isla markaana ay is garab taagayaan Ciidanka Qaranka ee tallaabada geesinimada leh ku dhaqaaqay, kuna hawlan sidii uu u sugi lahaa xuduudaha Somaliland.

4.      In ay Golaha Wasiiradu si buuxda u bogaadinayaan go’aankii labada gole  ee Guurtida iyo Wakiilada ee xaaladda jiida hore.

5.      In guddida dhaqaalaha iyo horumarinta ee Golaha Wasiiradu ay soo darsaan, go’aanna ka soo gaadhaan sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta hay’adaha caalamiga ah, soona qiimeeyaan shaqooyinka ay hayaan ajaaniibtu, ee ay qaban karaan xirfadlayaasha Muwaadiniinta ahi.

6.      Ugu danbayn waxa goluhu isku raacay qaab-dhismeedka guddi -hoosaadyada Golaha Wasiiradu uu yeelanayo oo ah sidan.

a.       Guddida Nabadgalyada                                                  5 wasaaradood

b.       Guddida Dhaqaalaha iyo Horumarka                                9 Wasaaradood

c.       Guddida Arrimaha Bulshada                                            9 Wasaaradood

d.       Guddida Arrimaha Dibedda iyo Ictiraaf-raadinta                6 Wasaaradood

e.       Guddida Cadaladda  iyo Shuruucda dalka                        6 Wasaaradood

Iyadoo ay wasaaraddaha qaar ka mid yihiin wax ka badan hal guddi-hoosaad oo kor ku xusan.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Waaxda Saxaafadda Madaxtooyada JSL.

COMMENTS