Muuse Biixi oo U Muuqda Inuu Ku Jaahwareeray Kursigii uu Mudada Dheer Raadinayay
January 2, 2018 - Written by admin
madaxwaynaha somaliland muuse biixi cabdi ayaa u muuqda inuu ku jaahwareeray kursigii uu mudada dheer u soo halgamayay ee madaxwaynenimadda somaliland muuse biixi oo muddo ka yar bil somaliland ka ah madaxwayne waxaa durba masuuliyadiisa ka muuqata habacsanaan fara badan oo aan laga filayn isagoo sidii loo baahnaa aan wali masuuliyadiisu uga muuqan qaranka islamarkaana u muuqda masuul ilaa hadda ku jaahwareersan kursiga uu ku fadhiyo oo muddo badan oo uu u soo halgamay kadib fuulay.
muuse biixi oo aan lahayn waayo aragnimo badan oo aqooneed marka laga yimaado darajadda sarre ee uu ka gaadhay askarinimadda balse muddo badan la soo shaqaynaayay dawladihii kala dambeeyay ee somalida ayaa laga filayay inuu yahay shakhsi aan kursiga ku khalkhali karin balse leh waayo aragnimo madaxwayne balse muuse biixi waxa durba ka muuqda inuu ku balaadhay kursigii madaxwaynenimadu isagoo xukuumaddi u horaysay ee uu soo dhiso kadib aan wali soo dhamaystirin laamaha kala gadisan ee dawladda islamarkaana ay wali isku dhex milanyihiin dawladiisa iyo dawladii hore oo badi iyadu wali sii haysa xilalka kala gadisan ee dalka
mudada uu hadda xafiiska fadhiyo muuse biixi waxaa dalka ka taagan khilaafyo maamul oo ka aloosan qaar kamida magaalooyinka dalka iyo dawladda hoose ilaa haddana masuuliyadii loo baahnaa wali xukuumadda cusubi kamay soo bixin waxaana guud ahaan dalka marka aad eegto qofkastaa iswaydiiyaa mee nidaankii dawligaa ahaa ee dalku iyadoo uu wali meesha ka maqanyahay doorkii madaxwaynenimo ee dalku
dhanka kale wali waxa aan xukuumadda cusubi wax talaabo ah ka qaadin sicir bararka bulshadda ragaadiyay oo wali sidiisii ah dhanka kale wasiiradii xukuumadda cusub ayaan iyaguna ilaa hadda si rasmiya uga soo xaadirin xafiisyadoodii
isku soo wada duuboo tan iyo intii muuse biixi dalka madaxwaynaha ka noqday waxa hoos u dhac wayni ku yimi meeqaamkii dawladnimo ee dalka oo aan wali helin injiinkii rasmiga ahaa ee madaxwaynenimo ee lagu dhaqaajin lahaa
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS