BALIGUBADLE MEDIA
Muuse Biixi oo Ku Dhici La’ Xal Ka Gaadhida Sicir Bararka Dalka Iyo Go’aan uu Soo Bixistiisa Laba Cisho U Qabtay oo Beenoobay
January 26, 2018 - Written by admin

Madaxwyanaha cadaadiska xoogani kaga socda bulshadda somaliland islamarkaana la ildaran dajinta iyo yaraynta cadaadiska muncaaradeed ee ee bulshadda ayaa ilaa hadda ku guuldaraystay wax qabashadda sicir bararka somaliland oo uu wacad ku maray wakhtigii ololaha inuu wax badan ka qaban doono.

madaxwayne biixi

madaxwayne biixi oo bishii ugu horaysay ee xukuumadiisa la daalaa dhacaya duufaano iyo mawjado muncaaradeed oo kaga socda bulshadda somaliland xilli ayaxsaabtii muncaaradku gabtay waajibaadkoodii muncaaradnimo ayaa ilaa hadda ku dhici la’ inuu go’aan cad ka soo saaro sicir bararka jaahwareeriyay bulsho waynta somaliland

mr biixi ayaa todobaadkii hore mar uu warbaahinta la hadlayay sheegay in labadda maalmood ee soo socda uu go’aan cad ka soo saari doono sicir bararka balse waxa durba meesha ka baxday mudadii uu qabtay madaxwayne biixi oo todobaad ka soo wareegay islamarkaana muddo dhaaftay ilaa haddana aanu jirin go’aan cad oo uu ka soo saaray

marka laga yimaadow warar ku tidhi ku teena oo suuqa soo galay oo sheegay in qodobo laga soo saaray sicir bararku hadana ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay xukuumadda jaahwareersan ee madaxwayne biixi oo iyadu durba bishii u horaysay laga dareemayo kala qaybsanaan dhinaca maamulka ah masuuliyiintii xukuumadda oo isku jawaabaya iyo khilaaf xun oo ka dhex jira gudaha wasiiradda

isku soo wada duuboo xukuumadda fashilku dul hooganayo ee madaxwayne biixi ayaa looga fadhiyaa inay bulshadda u soo bandhigto go’aanadda ay hore u balanqaaday inay ka soo saarayso sicir bararka oo mudadii ay u qabatay laga soo gudbay ilaa hadana aan laga hayn wax jawaaba

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS