BALIGUBADLE MEDIA
Muuse Biixi oo Fulinaya Danaha Geelaha Jabuuti Iyo Macluumaad Ku Saabsan Mashaariic Laga Leeyahay Jabuuti oo Xukuumadiisu Hirgalinayso
January 28, 2018 - Written by admin

madaxwaynaha somaliland muuse biixi cabdi ayaa u muuqda inuu awoodiisa iskugu gaynayo fulinta heshiisyo qarsoodiya oo uu kula jiro madaxwyane geelaha jabuuti kaas oo ku saabsan mashaariic door ah oo xukuumadda muuse biixi ka fulinayso somaliland kuwaas oo laga leeyahay jabuuti

muuse iyo geele

muuse biixi oo dhaqaale xadi badan ka helayay dawladda jabuuti wakhtigii ololaha islamarkaana si toosa lacagtaas loogu soo dhiibi jiray ganacsadaha lagu magacaabo maxamed awsiciid ayaa u muuqda wakhti xaadirkan inuu ku khasbanyahay inuu fuliyo mashruuc kasta oo danaha jabuuti ku jiro

tusaale ahaan muuse oo aan bilba fadhiyin wuxuu wasiiradiisa ku amray in degdeg loo fuliyo laba mashruuc oo degdeg ah kuwaas oo laga leeyahay dalka jabuuti kuwaas oo kala ah mashruuca lagu doonayo in furaha 252-ga ee somalida laga raro shirkadaha isgaadhsiinta loona raro 253-ga laga leeyahay dalka jabuuti taas oo muujinaysa in si toosa loo doonayo in jabuuti loo hoos geeyo somaliland islamarkaana macluumaadka iyo xogaha bulshadda somaliland oo dhan laga maamulo dalka jabuuti taas oo cawaaqib xumo wayn ku ah qaranka somaliland gabi ahaanba

mashruuca labaad ayaa isna ah boos laga leeyahay dalka jabuuti oo laga hirgalinayo somaliland taas oo xarunteeda guudna ku taalo jabuuti islamarkaana ka kala shaqayn doonta jabuuti somaliland iyo somaliya boostaas oo iyana laga leeyahay dalka jabuuti

muuse biixi ayaa isagu u muuqda inuu shilimaad siisanayo qaranimadii somaliland islamarkaana bishii u horaysayba xukuumadiisu la liicliicayso cadaadis xoog leh oo kaga socda bulshadda ayaa mashaariicdan qarandumiska ah ee uu wadaana ku keeni karaan duufaano kale oo xukuumadiisa ku kaca waxaana dhamaan bulshadda somaliland la gudboon inay ka dhiidhiyaan xukuumadda cusub ee muuse biixi ee laga maamulo jabuuti oo iyadu shilimaad iyo aduun kooban siisanaysa qaranimadii iyo himiladii somaliland

Axmed Aadan Rooble

Baligubadlemedia.com

Hargeysa/Somaliland

COMMENTS