BALIGUBADLE MEDIA
Muuse Biixi oo Bishii U Horaysay Wajahaya Cadaadis Xoog leh oo Kaga Imanaya Beelaha Jeegaan Diidka ah ee Dalka Ku Dhaqan.
January 23, 2018 - Written by admin

madaxwaynaha somaliland ayaa durba cadaadis xoogani kaga imanayaa beelaha jeegaan diidka ah ee sida ba’an uga soo horjeeda xukuumadiisa kadib markii uu ku fashilmay inuu xukuumadiisa ka dhigo mid lagu qanacsanyahay.

MUDAHARAD

madaxwayne biixi oo bilawgii magacaabista xukuumadiisa laga sugayay rajo wanaagsan ayaa si fudud ku lumiyay fursad dahabi ah oo ku xidhnayd qaabka uu u soo magacaabo xukuumadiisa iyadoo bulshaddu ka eegaysay inay noqoto magacaabistiisu mid cadaali ah balse taasi may dhicin ee madaxwaynuhu wuu garab maray waxaana qodobka kaliya ee durba duufaanta ku kiciyay noqday dheeliga xukuumadiisa oo noqday mid u janjeedhmay dhinaca jeegaanta isagoo mansabyo badan u magacaabay.

madaxwayne biixi ayaa kaliya dadku ku amaanaan inuu si wanaagsan xukuumadiisa uga sifeeyay wasiiradii hantida umadda boobay ee buux dhaafiyay xukuumadda siilaanyo balse jaaniska kale ee madaxwaynuhu dayacay ayaa ku keenay in durba bishii ugu horaysay xukuumadiisu wajahdo duufaan adag oo muncaaradeed kaas oo kaga imanaya beelaha aan jeegaanta ahayn ee ku dhaqan dalka

isku soo wada duuboo madaxwayne biixi ayaan la saadaalin karin mustqabalkiisa siyaasadeed ee taladda dalka maadaama oo uu bishii ugu horaysay wajahayo muncaaradad adag oo kaga imanaysa bulshadda waxa kale oo iyaduna xusid mudan in koox uu horkacaayo wasiirkii hore ee madaxtooyaddu dagaal hoose ku hayso xukuumadda madaxwayne biixi kuwaas oo dagaalkooda ka dhex wada gudaha jeegaanta ku darsoo waxay u dagaalamayaan kaliya inay boosas siyaasi ah kaga helaan dagaalkaas madaxwaynaha balse lama saadaalin karo in qaabkaas badheedhka ah ay wasiiradan umadda boobay muuse kaga qaadi karaan boosaska ay rabaan

Axmed Aadan Rooble

Baligubadlemedia

Hargeysa

[email protected]

COMMENTS