BALIGUBADLE MEDIA
Muuse Biixi” Madaxwaynaha Somaliland Mise Madaxwaynaha Jeegaanta “Axmed Aadan Rooble”
January 29, 2018 - Written by admin

madaxwaynaha mudada bisha ah uun ku fadhiyay kursiga muuse biixi cabdi ayaa xilli uu taladda hayay muddo gaaban waxa uu noqday madaxwaynihii ugu cadaaladda xumaa uguna liitay ee soo mara somaliland tan iyo intii ay gooni isutaageeda ku dhawaaqday sanadkii 1991-kii

axmed aadan rooble998

muuse biixi oo wakhtiyo badan soo balanqaaday inuu si cadaaladda u maamuli doono xukuumadiisa ayaa wali digreetooyinka ka soo baxaya xafiiskiisu yihiin kuwo dhinac ka raran islamarkaana cid gaar ah ama waxa loo yaqaan jeegaanta u badan kuna yaryihiin beelaha kale ee somaliland

muuse biixi oo taariikhdiisu somaliland ka tahay caan islamarkaana bulshadda somaliland ku xusuusato taarikho badan oo uu dalka ka soo sameeyay hadana caawa waa u madaxwayne hasayeeshee wali madaxwaynahani wuxuu la daalaa dhacayaa inuu si hufan oo cadaalad ah u maamulo dalka

waxaana durba xukuumadiisa laga dareemayaa cadaalad darro wayn oo dhinac walba ah islamarkaana waxa qalinka madaxwayne muuse biixi uu cadeeyay inaan dalka loo sinayn balse beelo gaar ahi leeyihiin marka aad u fiirsato digreetooyinka jeegaamaysan ee ka soo burqanaya xafiiska madaxwaynaha

muuse biixi ayay bulshaddu ka sugaysay inuu la soo bixi doono buug cusub oo ka gadisan kii hore ee dalka u yaalay islamarkaana ay ku qornayd taariikhdiisii hore  qofqofbaa jira isagoo dambiyo badan soo galay ilaahay aakhirul cimrigiisa soo hadeeyee muuse se kaasna muu noqon oo muu helin hidaayadii alle wuxuu wali iska wataa oo uu maalinba digreeto ku soo saaraa wax ay ahayd inuu umadda kala xishoodo oo cadaaladi ka dheertahay islamarkaana soo dadajin kara inay si fudud xukuumadiisa shacabku kalsoonida kala noqdaan ama ay cadaadis xoog leh kala kulanto

inkastoo shacabka somaliland aanay iyagu fahmin waajibaadka dastuuriga ah ee ay ku leeyihiin shakhsiga ay taladda dalka u cumaamadeen islamarkaana ay ahayd inay fahmaan inay si fudud kalsoonida ugala noqon karaan hadii madaxwaynuhu ku xadgudbo sharciyadda dalka ilayn iyagaa shalay fartooda ku soo doortee haddana wali bulshaddu may fahmin waajibaadkaas ay leeyihiin

hadaba tan iyo intii uu taladda  la wareegay madaxwayne muuse waxa durba dalka ka taagan qalalaase siyaasadeed waxaanu marayaa qalalaasahaasi in dalka gudihiisa uu ka istaadhmo kacdoon wayn oo siyaasadeed sidoo kale waxa dalka dibadiisa lagaga dhawaaqay nidaam cusub oo lagu burinayo dawladda jeegaanta nidaamkaas oo loo bixiyay somaliland united forum kaas oo si wayn looga taageersanyahay dalka

sidoo kale madaxwayne biixi mudadii uu kursiga fadhiyay wuxuu dareeriyay in ka badan 230 shaqaale oo dawli ah iyo sidoo kale dhalinyaro ku abtirsata bahda ciyaaraha oo laga eryay qaar kamida haayadaha dawliga ah oo ay u ciyaari jireen taas oo burinaysa balanqaadyadii hore ee uu la soo galay dhalinyaradda iyo dadwaynaha somaliland wakhtigii ololaha.

waxa jira aragti cusub oo ay qabaan badi bulshadda somaliland taas oo odhanaysa muuse biixi madaxwaynaha jeegaanta mise madaxwaynaha somaliland aragtidaas oo saamayn wayn ku yeelatay kadib markii cadalaad xumadda madaxwaynuhu koobka jabisay islamarkaana ay gaadhay meeshii ugu saraysay abid taasoo keentay in beelaha dalka ku dhaqani aanay u sinaan mansabyadda dalka balse beelaha jeegaantu ay qaataan boosaska ugu waawayn uguna badan inkastoo madaxwaynuhu jeegaantiisa laftarkeeda markay gudahooda noqoto u sii kala badinayo  jeegaanta laftarkeeda islamarkaana uu u sii xaglinayo beeshiisa habar awal

isku soo wada duuboo hadii muuse biixi degdeg u daba qaban waayo caadalad xumadda buux dhaafisay qalinkiisa waxay gaadhii doontaa heer ay caqabad wayn ku noqoto xukuumadiisa dalkuna wakhti xaadirkan wuxuunbaa qaadi karaa nidaam dawladnimo oo cadaalad ah  mase ka sii socon karaan beelo beelo kale gumaysaya uguna awood sheegaya awood dawladeed dawladnimadu waa dadka hadii umaddu u dhamaan waydana maku sii nagaan doonto jeegaanu  foolxumadda dalka ka socota

AXMED AADAN ROOBLE

[email protected]

COMMENTS