BALIGUBADLE MEDIA
Maxaa Keenay In Madaxweyne Muuse Biixi Uu Ka Jawaabo Hadalkii Suldaan Maxamed Kana Gaabsado Dhawaaqii Suldaan Xasan?
January 25, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa ka jawaabay hadal hanjabaad ahaa oo ka soo yeedhay suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

suldaan iyo muse

Madaxweyne Muuse Biixi oo hore uga gaabsaday inuu ka hal celiyo weedho hore uga soo yeedhay suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi oo ku dhawaaqay hadalo bulshada kala fogaynaya ayaa markan si toos ah ugu jawaabay Suldaan Maxamed.

Madaxweynen Madaxweyne Muuse Biixi oo maanta ka hadlayey kormeer uu ku tagay xarunta wasaarada caafimaadka somaliland ayaa wax aan loo dulqaadan Karin ku tilmaamay hadalada ka soo yeedhay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

Madaxweyne Muuse oo u jawaabaya Suldaan Maxamed ayaa waxa

uu yidhi “Codsi ayaan u dirayaa madax dhaqameedka somaliland, marka ay reeruhu is dilaan ee dadku isku dhacaan waxa loo tagi jiray caaqilka, suldaanka, odayga  iyo madax dhaqameedka , hadduu odaygii yidhaahdo waan dagaalamayaa dabkana anigaa wada oo aanu la gabanayn maxaa la yeelayaa?, waar kuwaas laftirkoodu waa inay is waaniyaan oo ay is qabtaan, waana masiibo inoo kow ah in suldaankiiba ugu soo horeeyo dagaalkii, fidmadii iyo hadalkii ay balaayo ka dhacaysay waana  mid subxaana leh.”

Madaxweyne Muuse Biixi oo si toos ah uga jawaabaya hadalkii Suldaan Maxamed ayaa intaas raaciyey “Waxaan leeyahay madax dhaqameedka, raga maanta talinaya ee cumaadaha leh ee ina suldaan hebel ina suldaan hebelow, suldaankii ku dhalay, kii kaa horeeyey iyo awoowgaa samaanbay talin jireen, dagaalna may oogi jirin hadal fidmo lehna may tuuri jiri waxaas ayaanay sharaf ku lahaayeen,  idinkuna ku yeelan maysaan sharaf hadal siyaasi ah oo aad dadka ku kicisaan iyo tolaay waan dagaalamayaa oo beel ayaan shir u qabanayaa, fidmo wale ayaad ku noqonaysaan taas, qarankana waxaan leeyahay waa in arintaas meel looga soo wada jeedsado oo caqliga lagu celiyo, Waxaan leeyahay qaranka sidaa ku socon mayno,hadduu Suldaankiina dagaal iclaamiyo kii yaraana qori la cararo waa waali.”

Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa hore uga gaabsaday inuu jawaab cad ka bixiyo hadal ka soo yeedhay Suldaan Xasan SuldaanCabdilaahi oo ay isku deegaan yihiin, kaas oo ku dhawaaqay hadalo kala fogaynaya bulshada somaliland, isaga oo beelo gaar ah ku suntay guushii uu madaxweyne Muuse Biixi ka gaadhay doorashadii madaxtooyada ee daba yaaqada sanadkii hore ka dhacday dalka, balse si cad loo wada ogyahay in Muuse Biixi cod ka helay guud ahaanba bulshada kala duwan ee ku dhaqan gobolada dalka.

Sidoo kale bulshada somaliland ayaa si weyn ugu dhag taagaysay talaabada uu madaxweyne Muuse Biixi  ka qaado Suldaan Xasan iyo jawaabta uu ka bixiyo hadalkiisa, balse taasina may dhicin.

Dhinaca kale madaxweyne Muuse Biixi oo u muuqda inay damqeen haddaladii Suldaan Maxamed SuldaanCabdiqaadir oo sheegay in beelaha uu ka soo jeedo iyo qaar kale oo reer somaliland ahi ay gali doonaan dagaalka ka socda deegaanka Ceel Afweyn  ayaa jawaab kulul siiyey Suldaanka, halka aanu waxba ka soo qaadin weedhihii bulshada kala fogaynayey ee uu ku dhawaaqay Suldaan Xasan, iyada oo shacabka somaliland ay si weyn u danaynayeen in madaxweyne Muuse Biixi uu ka dareen celiyo hadalada Suldaanka ay isku deegaanka yihiin oo loo arkayey inuu istaahil ku ahaa talaabo laga qaado.

Sidoo kale jawaabta madaxweynaha ayaa laga dheehan arkaa inay keentay hadalkii Suldaan Maxamed uu ku sheegay in beelaha uu ka soo jeedo iyo qaar kale oo somaliland ahi ay gali doonaan dagaalka Ceel Afweyn, isaga oo xukuumadana ku eedeeyey inay la safan tahay beel ka mid ah kuwa ku dagaalamay Ceel Afweyn, iyada oo madaxweyne Muuse Biixi aanu hore uga damqan hadaladii Suldaan Xasan ee guushii uu ka gaadhay doorashadii madaxtyooyada  ku suntay laba beelood oo kaliya halka uu dibada ka dhigay bulshadii kale ee codka siisay iyada oo aanu wax jawaab ah ka bixin haddaladaas aan u wanaagsanayn dhagaha bulshada ee Suldaan Xasan ku dhawaaqay.

Shacabka ayaa siyaabo kala duwan u falanqaynaya sababta keentay in madaxweyne Muuse Biixi uu ka gaabsado inuu ka dareen celiyo hadalkii Suldaan Xasan isla markaana uu jawaab kulul ka bixiyo hadalka Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS