BALIGUBADLE MEDIA
Mareykanka Oo Ku Baaqay Kulan Degdeg Ah Oo Golaha Ammaanka Ka Yeeshaan Arrinta Iiraan
January 3, 2018 - Written by admin

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay qorshaynayso in ay isugu yeerto kulan degdeg ah oo ay yeeshaan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Kulankani ayay dowladda mareykanka sheegtay in looga hadli doono dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda Iiraan ee dalkaasi ka socda.
amaanka
Danjiraha dowlada Mareykanka u fadahida Qaramada Midoobey, Nikki Haley, ayaa sheegtay in arrinta Iiraan sidoo kale looga hadli doono kulanka golaha xuquuqda aadnaha ee ka dhacaya magaalada Geneva.

Waxa ay beenisay eedeeynta dowladda Iiraan ee ah in dibadbaxyadani ay yihiin kuwa dibadda dalkaasi laga soo maleegay.

Mareykanka ayaa waxa ay ugu baaqeen xukuumada Tehran in ay xannibaada ka qaado baraha bulshada.

Dowlada Iiraan ayaa sheegtay in ay qabanqaabin doonto

arbacada dibadbaxyo ka dhan ah kuwa imika socda .

Dibadbaxyada Iiraan ayaa imika galay maalinkii lixaad.

Sources:BBC Somali

COMMENTS