BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Tacsi U Diray Ehelada Iyo Shacabka Somaliland Ee Uu Ka Baxay Abwaan Af-Gudhiye
January 28, 2018 - Written by admin

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, bahda suugaanta iyo hal-abuurada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum  Abwaan Axmed Siciid Diiriye (Afgudhiye) oo ku geeriyooday shalay oo ay taariikhdu tahay 27/10/2018, magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey Abwaan suugaan yahan ah oo caanka ahaa dhamaan geyiga Soomaalidu degto, door muhiimana ku lahaa nabadayntii, dib u heshiisiintii iyo dib u dhiskii dalka. Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, bahda suugaanta

iyo hal-abuurada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

AAMIIN AAMIIN AAMIIN

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Waaxda Saxaafadda Madaxtooyada JSL.

COMMENTS