BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweyne Farmaajo oo Xadhiga ka jaray garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe
January 8, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa daah furay garoonka diyaaradaha Garoowe oo loogu magac-daray Janaraal Maxamed Abshir Muuse ee magaalada Garoowe.

garow airport

Munaasabada Furitaanka garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin faro badan oo ka kala socday dowlada federalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay gaaray magaalada Garoowe ayaa kulamo wadatashi ah xalay la yeeshay Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland iyo qaar ka tirsan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS