BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay degmada Guri-ceel
January 19, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Guri-ceel ee Gobolka Galgaduud, iyadoo safar dhulka ah kaga soo ambabaxay magaalada Dhuusa-Mareeb.

guriceel

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa soo dhaweeyay dadweyne fara badan iyo mas’uuliyiin ka tirsan mMaamulka Galmudug.

Socdaalkan ayaa qeyb ka ah safar madaxweynaha iyo wafdiga uu hoggaaminayo maalmihii ugu danbeeyayba ay ku marayeen deegaanno ka tirsan Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmo doona qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana la filayaa inuu socdaalkiisa ku soo gabagabeeyo degmada Caabud-waaq,

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS