BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweyne Biixi oo La Kulmay Ururada Bulshada Rayidka Ah Iyo Qaybo Ka Mid Ah Ururada Xirfadlayaasha
January 15, 2018 - Written by admin

-Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu waheliyo Madaxwayne Ku-xigeenka Somaliland ayaa maanta 15/01/2018 qasriga Madaxtooyada shir muhiima kula yeeshay Ururada Bulshada Rayidka ah ee ka hawlgala Somaliland.

Kulankan, waxa lagu lafa guray sidii Ururada Bulshada rayidka ah iyo ururada xifadlayaashu ay u xoojin lahaayeen wada shaqaynta ay la leeyihiin xukuumadda, isla markaana si wada jira loo taabo-galin lahaa hiigsiga iyo himilooyinka xukuumadda, sidii loogu diyaar garoobi lahaa qabsoomidda doorashooyinka foodda inagu soo haya ee Golaha wakiilada iyo


Goleyaasha deegaanka, dhiiri galinta ganacsatada gaar ahaan qaybaha gaarka loo leeyahay (Private sector) sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen horumarka dalka. iyo in la xoojiyo wada shaqaynta xukuumadda iyo saxaafadda dalka,

Ururada Bulshada rayidka ah iyo ururada xirfadlayaashu waxay dhankooda muujiyeen dareenkooda ku aadan inay diyaar u yihiin inay gacan ka gaystaan ka midha dhalinta qorsheyaasha horumarineed ee xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Gebegebadii shirka Madaxwaynaha Somaliland ayaa dhankiisa soo dhaweeyey kulanka, isagoo ku ammaanay Ururadda Bulshada Rayidka ah doorka ay ka qaataan horumarka dalka, Wuxuunna Madaxwaynuhu hoga-tusaaleeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada shaqaynta Ururada Bulshada iyo xukuumadda, dhankiisa uu diyaar u yahay inuu wax badan ka qabto tallo bixintaasi ay ugu yimaadeen ururada bulshadu.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS