BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweynaha Maraykanka Oo Ka Hor Yimid Go’aan Lagu Xidhayey Xabsiga Guantanamo Bay Oo Obama Hore U Saxeexay
January 31, 2018 - Written by admin

Xabsiga xaaladiisa laga deyriyay ee arxan darada ku caan baxay ee Guantanamo Bay ayaa sii furnaan doona sida uu sheegay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

trump fataal

Go’aanka Trump ayaa waxa uu carqaladaynayaa go’aankii Madaxweyne Obama ee ahaa in xabsigan albaabada la’isugu dhufto oo la xidho.

Xabsigan oo ku yaala dalka Cuba ayaa waxaa lagu hayaa dadka loo heysto falalka argagixisada la xidhiidha a tan iyo sanadkii 2001-kii, xiligaas oo weeraro waaweyn lagu qaaday Maraykanka.

“Argagixisada ma ahan dambiilayaal oo kaliya, waa cadaw sharci daro ah, marka dalka dibediisa lagu qabtana waa in loola dhaqmaa nooca argagixiso ee ay yihiin” ayuu Trump ku sheegay khudbad

uu ka jeediyay Aqalka Congress-ka.

Trump ayaa intaas ku daray in si doqonimo ah loo siidaayay boqolaal dad argagixiso ah, kuwaas oo markii dambe soo saftay dagaalo Maraykanka ka dhan ah, isaga oo tusaale usoo qaatay hoggaamiyaha Daacish Abu Bakar Al Baqdadi.

Illaa 700 maxaabiis ah ayaa halkaas lagu hayay muddo.

Madaxweyne Obama ayaa sanadkii 2009-kii saxiixay amar madaxweyne oo muddo sanad gudihiis ah lagu xidhayo xabsigan, balse xildhibaanada ayaa muddo 8 sano ah ka hor taagnaa in talaabadaas lagu dhaqaaqo.

Trump markii la doortay ayuu waxa uu hadal ka bilaabay in aanan hal qof oo dambe laga siideynin Guantanamo, isaga oo sidoo kale ku hanjabay in uu ‘dadka xunxun’ ka buuxin doono.

Source:-BBCsomali

COMMENTS