BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Muuse Biixi oo Magacaabay Agaasimayaal Guud oo Kamid Noqon Doona Xukuumadiisa
January 13, 2018 - Written by admin

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi oo Magacaabay Agaasimayaal Guud oo Kamid Noqon Doona Xukuumadiisa

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay:Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafka (kh);

Markaan Arkay:Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey:

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:
Tir     Magaca     Xilka
1.     Aadan Cabdillaahi Cabdulle Nuur       Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta
2.     Prof. Maxamed Faarax Xareed Qodax       Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska
3.     Axmed Abokor Maxamed Yuusuf     Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga
4.     Xamda Daahir Afqarshe Ismaaciil     Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee Guddida (Komishanka) Qaranka ee Xakamaynta HIV/AID

COMMENTS