BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Farmaajo oo Goor Dhawayd Gaadhay Magaaladda Gaalkacyo
January 13, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhoweyd soo gaaray magaalada Gaalkacyo, isagoo beryahan socdaal ku marayey deegaanno ka tirsan maamulka Puntland.

news1

Goor dhow ayaa la filayaa inuu shacabka kula hadlo barxadda Kamaaludiin oo ay isugu soo bexeen dad aad u badan.

Wararku waxay sheegayaan in shacabka iyo ciidanka labada dhinac ee Gaalkacyo ay soo wada dhoweeyeen madaxweyne Farmaajo oo la filayo in isaga iyo wafdigiisa ay caawa halkaa ku hoydaan.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS