BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Farmaajo oo Booqanaya Dalka Ethiopia
January 27, 2018 - Written by admin

Madaxwaynaha Dawlada Somaliya Maxamed Cabdilaahi Maxamed Farmaajo ayaa lagu waddaa inuu galinka dambe ee maanta u socdaalo magaalada Addis Ababa Ee Dalka Itoobiya.

Farmaajo ayaa Addis Ababa Kaga Qayb gali doona shir madaxeedka midoga Africa Oo ka dhici doona dalka itoobiya.
Wararka ayaa sheegaya in Farmaajo uu sidoo kale ka qeyb geli doono shir gaar ah oo ay leeyihiin Madaxda Urur Goboleedka IGAD oo looga hadlayo arrimaha Koofurta Sudan.

Madaxwaynaha somaliya ayaa markii ugu horaysay noqonaysa inuu ka qayb galo shir madaxeed africa tan iyo markii uu xukunka taladda dalka somaliya uu la wareegay.

Socdaalka Madaxweynaha ee Addis Ababa ayaa ah kii saddexaad, tan iyo markii sanadkii hore uu ku guuleystay xilka Madaxweynaha.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS