BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwaynaha Cusub Iyo Xukuumadiisa oo Xilli Bulshaddu La Ildarantahay Sicir Barar Iyo Nolol Adag Ku Mashquulay Timo Xiiris Iyo Arrimo Aan Loo Fadhiyin
January 1, 2018 - Written by admin

Madaxwaynaha Cusub Iyo Xukuumadiisa oo Xilli Bulshaddu La Ildarantahay Sicir Barar Iyo Nolol Adag Ku Mashquulay Timo Xiiris Iyo Arrimo Aan Loo Fadhiyin

waxay ahayd inuu arrimaha ukala horaysiiyo sida ay muhiimadda u kala leeyihiin oo uu badbaadiyo dadka dhibaatadda baahsani ka soo gaadhayso sicir bararka iyo nolosha adag ee dadku ku jiraan

muuse afwayne

waxa kale oo madaxwaynaha cusub looga fadhiyay inuu talaabadda koowaad ee uu qaadaa ahayd inuu degdeg wax uga qabto sicir bararka oo kamid ahaa balamihii uu ololaha ku galay hadiise isagoon taas wax ka qaban oo timo isku qaado waxay taasi bulshadda somaliland u iftiimin doonaa in muuse yahay madaxwayne aan dalkan iyo dadkan dan ka lahayn islamarkaana aan fahmin waajibaadka shaqo ee uu umadda u hayo

waxa kale oo tima xiirista xukuumaddu isku qaaaday ka horaysay inuu madaxwaynubu dhamaystiro dawladiisii cusbayd oo aan ilaa hadda dhamaystirnayn oo kala dhantaalan waxa kale oo jira khilaafyo maamul oo ka dhexeeya maamuladda dawladda hoose ee hargeysa, berbera, hurco, gabiley khaasatan dawladda hosoe ee hargeysa oo noqotay goob ganacsi oo uu iska yeesho maayir soltelko  kuwaas oo iyaguna u baahan inuu doorkiisa madaxwaynenimo ka qaato

isku soo wada duub somaliland maanta uma baahna madaxwayne dadka suuqa timaha kaga xiira ee waxay u baahantahay madaxwayne ka fikira siduu dadka uga saari lahaa nolosha sicir barar ee dalka ka taagan

Axmed Aadan Rooble

Baligubadlemedia.com

Hargeysa.Somaliland’

[email protected]

COMMENTS