BALIGUBADLE MEDIA
Maayarka Magaaladda Berbera oo Ganafka Ku Dhuftay Amaro Ka Soo Baxay Wasiirka Hawlaha Guud
January 4, 2018 - Written by admin

Maayarka magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Cidin ayaa sheegay inaanay khusayn amaro uu soo saaray wasiirka hawlaha guud ee xukuumada madaxweyne Muuse Biixi.

cidin
Maayar Cabdishakuur Cidin ayaa sidoo kale tafaasiil ka bixiyey go’aanka uu madaxweynuhu ka gaadhay dhulka raasiga ah ee dekeda Berbera iyo hakin uu ku sameeyey dhul ka siiyey dad muwaadiniin ah.

Maayarka Berbera oo ugu horayn ka hadlaya digreetada madaxweynaha ee ku saabsan dhulka raasiga ayaa waxa uu yidhi “Dawladu dhulka iyada ayaa iska leh, markii hore madaxweyne ayaa bixiyey imikana madaxweyne ayaa joojiyey, hal meel ayaan doonayaan inaan yara toosiye, wasiirka hawlaha guud sida ay warqadu ugu

socoto ayey anigana iigu socotaa laakiin wasiirka sida hadalkiisa ka muuqata waxa iska dhex galay raasiga iyo dhulka kale ee la xayiray.”ayuu yidhi maayar Cabdishakuur oo u waramay HCTV.

Sidoo kale maayarka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Sida ku cad warqada digreetada ah madaxweynuhu waxa uu la noqday ruqsadii uu madaxweynihii hore dadka siiyey laakiin inta raasiga ka sokaysa oo ah 1km iyo 450M madaxweynuhu waxa uu saaray hakin maadaama oo dad reer somaliland ahi ay maalgashi ku sameeyeen oo hantida ka muuqata la galiyey, inuu guddi u saaro taas oo ka soo warbixisa baahida mustaqbal ee ah in dekedu u baahan tahay wakhtigan iyo in aanay u baahnayn”

Maayarka magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Cidin oo ka hadlaya amarada ka soo baxay wasiirka hawlaha guud ayaa waxa uu yidhi “Dalku waa uu kala leeyahay deegaan duwan yahay, anagu ma qorshayno beero mana bixino, dhul ay dawladu gacanta ku hayso oo qofka muwaadinka ah la siiyo ayaanu bixinaa,  masuuliyada dhulka danta guud anaga ayaa leh balse ma laha wasaarada  hawlaha guud, wasiirku waxa uu xaq noogu leeyahay inuu soo qoro warqad oo uu na waydiiyo oo uu na yidhaa waxa loo baahan yahay  jaamacad laga dhisayo Berbera waxaana loo baahan yahay dhul intaas leeg waana u diyaar, dhulka anaga ayaa diwaanka ku hayna, danta guudna anaga ayaa qorshayna anaga ayaana jarna oo ay masuuliyadayada ka mid tahay, wasiirku hadii uu caasimada oo kale ama gobolada waa weyn u soo qaato goboladayada sida nidaamsan u shaqeeya way ka yara khaldan tahay.”

Maayar Cabdishakuur ayaa intaas raaciyey “Danta guud ee qorshaha magaalada anaga ayaa masuuliyadeeda iska leh, wasaaraduna shaqo kuma laha, haddii maayarka caasimadu uu u gudbinayo kuwa Awbarkhadle iyo Abaarso  ee uu qorsheeyey anagu waxaanu haynaa kuwa magaalada badhtankeeda, iskuulada, garoomada, madarasadaha iyo shirkadaha, wasiirka hawlaha guudna awood ayuu leeyahay anaguna ma maamulno shaqana kuma lihin.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS